Bandhigga Sooyaalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi (2)‏

0
90

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo aannu taariikhdu markay ahayd 05/Maarj/2013-ka ka xog-waraysannay sooyaalkiisa taariikheed ayaa ka warramay mar-xaladihii kala duwanaa ee ii soo maray iyo higsigii uu ku taami jiray markii uu ardayga ahaa in uu noqdo. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaa kaloo uu kalae oo uu faahfaahiyay waayihiisii halganka SNM iyo goortii uu ka mid noqday jabhaddaas. Waxaa kaloo uu ka sheekeeyay halka uu siyaasadda ka soo galay.

Qaybta labaad ee Sooyaalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa aan jecelahay inaan ku soo qaato weydiimihii iyo warcelintii ku saabsanayd taxanihiisa nololeed oo u dhacay sidan.

S. Ugu horrayn waxaad nooga warrantaa xilligaad dhalatay, halkaad ku dhalatay, inta aad carruur la dhalatay iyo magaca hooyadaa?

S. Waxaan ku dhashay magaalada Caynaba 1964.xilligii dagaalladii Itoobiya iyo Soomaaliya lagu xasuusan karo, waxaan ahaa markaan dhashay dadka ay Soomaalidu ugu yeedho dhal-duqeedka oo aabbahay oo aad u da’ weyn ayaan dhashay waxaa xusid mudan in carruurtayada ka ugu wayn iyo anigu aanu ka weyn yahay dhawr iyo konton sannadood oo ah walaalkay Maxamed Xaashi Cabdi.

Magaca hooyaday waa Sareedo Yuusuf Cali. Waxaanu ahayn laba bahood oo ka kooban 8 carruur ah oo dhammaantood wiilal ah.Wax barashada .malcaamad quraanka waxaan ka bilaabay magaalada Caynaba.

Iskuulka waxaan ka galay magaalada Burco halkaas oo aabbahay oo ahaa sarkaal boolis ah oo xilligaa hawlgab noqday loo soo beddelay . Waxa aan ka mid ahaa ardaydii la qoray iskuulka 1972-kii. Waxaan sanadkii koowaad wax ku baranay luqadda Ingiriisiga sanadkii labaadna waxaanu wax ku baranay Af Soomaali oo waxa dib naloogu celiyay sanadkii hore ee aanu af Ingiriisiga ku barannay in aanu Af Soomaali ku barano.Dusigaygii dhexe waxaan ku dhigtay Sheekh Yuusuf Alkawnayn isla magaalada Burco dugsigaygii sare sanadkii koowaad waxaan galay iskuulkii First July oo boodhin ahaa, imikana ah Jaamacadda Hargaysa saddexdii sano ee dambena waxaan ku dhammaystay Sheekh Bashiir Burco waxaanan dhammeeyay sanad dugsiyeedkii 1983/84-ka.

S. Waxaa jirta in qofku han leeyahay iyo meel uu higsado maxaad ku hammiyi jirtay in aad noqoto mustaqbalka?

J.Waligay horta ismaan odhan siyaasi ayaad noqonaysaa ama hoggaamiye waayo maan jeclayn siyaasadda laakiin waxaan islahaa waxaad noqonaysaa dhakhtar ama Saynisyahan. Laakiin marnaba niyaddayda siyaasi noqo ismaan odhan.

S. Xilliyadaa aad dhamaysay dugsigaagii sare ayaad SNM u talawday sidee ayay kuugu suura gashay? Maxaa dhaliyay inaan SNM gasho?

J. Runtii waa shay qurux badan inuu qofku wax ka qoro dhacdooyinka nolosha ku soo mara, haddii Alle oggolaadana qorshahayga way ku jirtaa inaan qoro waxyaabihii aan goob-joogga u ahaa. Ladhkii iyo xumaddii siyaasadda, kacdoonnadii waddanka qawadkii iyo qalalaasihii dalka saameeyay ayaa waxa ay keeneen inay runtii i hiyi kiciyaan anigoo markaa joogay wakhtigii aan ugu fiicnaa ee jaamacad geli lahaa ayaa ay i dhalan-geddiyeen dhammaan waxyaabahaasina way i saameeyeen.

 

Gelitaanka jaamacadda xitaa waannu ka niyad-jabnay oo afka Talyaaniga ayaa wax lagu baran jiray inta badan. Duruufihii iyo siyaasaddii jiray ayaa na hadheeyay oo xitaa waxa aan xasuustaa ninkii Soomaaliyaa xilligaa haystay (Maxamed Siyaad Barre) ayaa Burco yimi sannadkii 1983-kii waxaana la socday wefdi kale, xalay oo kale waxa uu Siyaad Barre la shiray odayaashii Togdheer, subaxnimadiina  dadka ayaa uu isugu yeedhay.

 

Halkaa dawladda hoose ayuu nooga khudbadeeyay annaga oo dhallinyaro ah oo aan nolosha guud mooyaane aqoon badan u lahayn siyaasadda, madashaas dhammaan dadweynuhu waa joogeen annaguna waxa aan ahayn kuwa u xiga ee barbarkiisa taagnaa sababtoo ah waxa aannu ahayn arday laga soo kexeeyay dugsiyo kuna jiray xilli dhallinyaranimo, qofku marka uu da’yarta yahay wuu dhiirran yahay, ku dhac buu leeyahay waxaana ka suurtogal ah inuu falal badan ku kaco sida kicin bulsho, mudaharaad iyo rabshad samayn.

 

Sidaa darteed ayaa loo yidhi waa in dugsigaas ilaalo gaar ah la dulsaaro dabadeedna inta hortiisa nala fadhiisayay ayaa ciidan nalagu xeeray. Maqalka magaca magaalada Xarshin waxa iigu horreysay maalintaas oo uu khubad noo jeediyay Maxamed Siyaad Barre waxaanu nagu yidhi “Reer Burcooy ama Xarshin ayaa la idiinka talin, ama Xamar ayaa la idinka xukumi” had iyo jeerna hoggaamiyuhu sida uu u fekerayo, sida uu dadkiisa ula hadlayo iyo habdhaqankiisu saamayn ayuu ku yeeshaa bulshadiisa. Aniga iyo raggaas ila midka ee Togdheer ku barbaaray midkaayana Xarshin ma aqoon, hadduu sheegi lahaa Gaashaamo iyo dhulkii gawaadhidu ka soo geli jireen ee hawdka Burco waannu garan lahayn, markaasaannu annaguna nidhi “Xarshin ayaa nalaga xukumi” wuxuu sheegaba si kale ayaannu u dhignaa illeen waanu canaadaynaaye markaa duruufihii la soo maray ayaa ay ka mid ahayd.

 

Marka uu sidaas uga hadlayo fagaare waxa aannu ka filaynay inuu ka hadlo waxbarasho, horumar nololeed, amuuro dhallinyarada khuseeya iyo wax dan u ah ummadda laakiin wixii uu odayaasha xalay kala hadlay ayuunbuu annagana nagu qumbacday sida cabashadii loo gudbiyay oo ay ka mid ahayd in la oggolaado socodka booyada biyaha oo uu diiday isagoo sheegay in dhulka la kala xidhayo, hanjabaad iyo haddidaad aan kala go’ lahayn ayuu oodda ka qaaday.

 

Ummadda laguma hayn karo caga-juglayn ee caqli ayaa lagu hoggaamiyaa, qofka qaanuunka jebinaya ama dalka burburinaya waxa la mariyaa mudankiisa laakiin ummad-weynta looma haddido waa loo caqli-celiyaa, si deggan ayaa wax loogu sheegaa, waxa ay ka cabanayaan ayaa la dhegaystaa. Waa sida uu u dhaqmo hoggaamiyaha bulshadiisa u danaynayaa. Waxyaabahaasi waxa ay ahaayeen waxyaabihii i dhiirri-geliyay dabadeedna waxa aan tegay kuna biiray Ururkii SNM…..

 

 

Waxaanan tagay magaalada Awaare halkaas ayaa aniga iyo arday kale oo tiradayadu dhan tahay 20 oo lagu xulay intayadii luuqada ingiriisida sida wanaagsan ugu hadlaysay ah loo diray waxbaasho waxaana nala geeyay Hamaraysa waxaanan galay dugsiga siyaasada ciidamada itoobiya,mudo sanad ah ayaan halkaa ku jiray.waxaanan soo baranay sida dadka loo kiciyo ,markaan wax barashadaa soo qaatay ee aan soo bartay sida dadka loo kiciyo waxaa la noo diray gudaha dalka,

waxaanu ahayn aniga iyo nin la odhan jiray axmed/kayse ILLAAHAY ha u naxariisto ee oo isna reer Burco ahaa waxaan kazoo dhaqaaqnay magaalada la yidhaahdo Daalaco ilaa Burcona lug ayaanu ahayn waxaana naloo soo diray sidaanu dhalinyarada Burco u kicin lahayn oo aanu ugu guubaabin lahayn in ay SNM la shaqeeyaan oo ay hubka qaataan ilaa xataa haday suuragal tahay hadii halkooda lagu hubayn karo hawshaan oo ahayd mid aad u adag oo hawsheeda leh oo is qarin teeda leh oo cabsideeda leh oo adkaysigeeda leh,hawshaana si wanaagsan ayay noogu fushay,wax yaabihii uugu darnaa waxaa ka mid ahayd markaa aan Burco hawl galka u joogay ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah anigoo is qarinaya oo is dhuubaya ii yeedhay oo I gartay nin ka mid ah ardaydii aanu Hamaraysa wada galay oo intuu soo galay noqday sarkaal nabad sugid ah maalintaasi waxay ahayd maalintii iigu adkayn ama maalmihii iigu adkaa mid ka mid ah.

S. waxaad ahayd maayarkii ugu horeeyay ee magaalada Burco yeelato adigoo dhalin yaro ah markaa bal waxaad ka warantaa waxyaabihii kusoo maray mudadaa aad maayarka ahayd.

j.waxay ahayd arin adag oo hashiisa leh waxaanan aamin sanahay in maanta oo aan ka gu,waynahay kana waayo aragsanahay in aan maalintaa ka raganimo badnaa, ta kale anigu xilkaa maan filayn in la ii magacaabo waayo waxay ahayd maalin adag ooh awl badan oo dalka la qabsaday oo markaasuun faqash laga saaray oo aanay waxba jirin oo eber wax laga bilaabayo,sidaa darted anigu xilkaa mana doonan mana filayn waxaanan is lahaa waxaa la magacaabi doonaa ragii waa waynaa ee halgankana waday,umana jeedo markaan sidaa leeyahay in aanan han lahayn laakiin waxaan is lahaa maalintaadii maaha oo waa laaaga wayn yahay waana lagaaga waayo aragsan yahay.balse waxaa nalagu magacaabay sadex nin maayar,ku xigeen iyo xoghaye,

madaxdii waa waynayd ee Snm saraakiishii ciidanka ee magaalada qabsaday iyo wax garadkii ayaa shiray oo tashaday isla gorfeeyayna in magaalada maayar loo magacaabo aniga ayaana maayar la ii magacaabay ku xigeena waxaa loo magacaabay axmed sheikh cismaan oo geeriyooday ALLAHA unaxariistee xoghayena Maxamed faarax Qabile. Waxaanu maamul ka noqonay magaalo imika la qabsaday oo ay ku sugan yihiin sadex kun iyo dheeraad ciidan ah oo dhamaan noloshoodii ay saaran dawlada hoose,waxaan noqday maayarkii ugu horeeyay ee ugu da,da yaraa ee Burco soo mara waayo waligeed dhaqan umay lahayn in dhalinyaro maayar ka noqdo,markaan xilkaa qaaday waxaan ka faa,iidaystay oo aan maalay waxaanan nasiin u yeelanay in aan noqday maayarkii marti galiyay shirwaynihii ugu horeeyey ee beelaha Somaliland ay isugu yimaadaan ee lagaga dhawaaqay Somaliland waxaanan ILLAAHAY ugu mahadinayaa siduu noogu asduray,waxaanu noqonay magaaladii ugu horaysay ee ciidankeedii habaysay,cashuur bilawday,maamulkeedii shaqeeyay ee noqotay halka ugu amaansan dalka ee la isku halayn karo,waana ta sababtay in lagu qabto shirwayihii koobaad ee Beelaha Somaliland ee lagag dhawaaqay gooni isu taaga Qarannimada Somaliland.

S. Markii aad xildhibaanka noqotay ka mid ah golaha wakiilada Somaliland iyo ragaad golahaa ka wada tirsanaydeen bal wax nooga sheeg?

J.1993 ayuu qabsoomay shirwaynihii labaad ee beelaha Somaliland oo ahaa shirkii ugu waynaa ee nabadaynta iyo dhismaha golayaasha qaranka oo ay ku suntantahay magaalada Boorame,markaa anigu ka mid maan ahayn ergadii tooska uga qayb gashay laakiin kor jooge ayaan ahaa,intaan Boorame joogayna wax badan ayaa iiga kordhay haday dhaqanka tahay iyo haday dal iyo dad barasho tahayba waxaanan ka korodhsaday waayo aragnimo badan oo xataa imikadan dib ii an facday,waxaan ka mid noqday 75 xubnood ee Golihii Wakiilada ee Somaliland ee ugu horeeyay ee halkaa lagu aasaasay,waxaanan ahaa mudanihii ugu da,da yaraa xiligaa ee ka mid noqda baarlamaankii ugu horeeyay ee Booramae lagu soo dhisay,wuxuu ahaa gole aad u miisaaman oo qamaamuur iyo qoorwayn fara badani ku jirtay.waxaa gudoomiye noo ahaa Axmed Cabdi Xaabsade,wasiirka hawlaha guud ee imika ku xigeenka koobaad waxaa ahaa ALLAHA u naxariistee C/ramaan baydaani. Waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo )madaxwaynaha imika.waxaa ku jiray,jaamac Maxamed Qaalib,fagadhe iyo ALLAHA u naxariistee Ibraahin Maygaag.markaa wuxuu ahaa gole aan wax badan ka korodhsaday,

S. Xiliyadaa aad golaha wakiillada ka midka ahayd maxaa sababay in aad inta badan madaxwaynihii xiligaa aad iska soo hor jeedsataan?

J. Runtii aniga iyo Madaxweynihii Xilligaa ALLE u naxariistee Maxamed X.Ibraahin Cigaal waxaanu ku kala aragti duwanayn uun sida wax loo wadayo laakiin kumaanu kala duwanayn mabaa’diida guud ee qarannimada quseeya, Cigaalna wuxuu ahaa nin wayn oo siyaasiya oo bisil laakiin wax turxaan reeba ama cadaawad gaar ahi nagamay dhaxayn. Kollayna qoodhu mar iyo lababa way isku baxsataa.

La soco qaybta saddexaad haddii Alle idmo

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com