Khilaaf ka taagan Jaad ku gubtay Kastamka Abaarso

0
53

qat

Abaarso(Waaheen) ugu yaraan lix boqol oo kiilloo oo Jaad ah oo u dhigma labaatan jawaan ayaa ku xaniban Kastamka Abaarso kadib markii ay Ganacsadaha jaadka leh iyo maamulka Kastamka Abaarso isku khilaafeen 35 kiilloo oo Jaad ah Cashuurtiisa.

Khilaafka Jaadka ayaa ka dhashay Jaad Ganacsadahani aroornimadii cashuurtay oo uu ku doodayo in 35 kiilloo oo saa’id ah loogu cashuuray, kaasoo uu galinkii danbe dalbaday in loo xisaabiyo jaadkaasi hore miisaankiisii, balse arrintaas wax aka hor yimi maamulaha Kastamka oo ku adkaystay inaanu ku lahayn miisaanka wax cashuur ah.

Arrintan ayaa dhalisay in Maamulaha Kastamka Abaarso xanibo Jaadkii galinkii danbe, kaasoo ilaa hada yaala sida wararku ku soo gaadheen waaheen Kastamka Abaarso.

Talaabadan ayaa Ganacsadaha Jaadka leh oo la yidhaahdo Cabdi Aw Maxamuud iyo Maamulaha Kastamka ka dhex abuurtay Dacwad culus taasoo Jaadluhuna ku doodayo in khaasaraha jaadka uu Kastamku masuul ka yahay , halka Maamulaha Kastamkuna ka daadifaynayo.

Ilaa hada ma jiro xal arrintaasi lagu furdaamiyay, waxaanay arrintaasi ka abuurtay Abaarso buuq iyo is haysi saameeyay hawlmaameedkii Kasatamkaasi, wallow ganacsadihii Jaadka lahaa wararku sheegeen in uu u soo Dacwad tagay dhinaca Wasaaradda maaliyadda.