Meeye Gudigii 21Xubnood ahaa ee Wakiilka Somaliland UK Ali Aden u Magcaabay Qabanqabada 18May Maxaa isu soo reebay Dhawrkan qof sow halkaa kama cada Dhacii la sheegayey.‏

0
107

khara mawlid newSalaan qiimo badan iga gudooma dhamaan walaalahayga reer Somaliland madax iyo minjaba, waxaan ayaamahan arkayey cabashooyin ka soo baxaya kooxo is diidan iyo arimo ku saabsan hanti la lunsaday oo laga ururiyey shacabka reer Somaliland ee degan dhamaan gobolada Somaliland, waxaad moodaa in isjiidjiidadki uu ku hadhay Koox yar oo ka soo hadhay Gudigii hawshan faraha kula jiray iyo dhalinyaro sheeganaysa inay bilowga qorshahan lahaayeen.

 

Ugu horayn Waan ka xumahay Masuulka ku dhex milmay arimahan jaaliyadaha oo hore aan xukuumaduhu faraha ula geli jirin iyadoo aad moodo in magaciisii iyo kii xukuumada uu wakiilka u yahayba ay dilmeen oo fadeexadi raacday xaqiiqdana weli lama oga balse  isaga kolayba waxa ceeb ugu filan qoraalada maalin kasta lagu cambaaraynayo ee saxaafada ku soo baxa hadii aanu isagu arinta qasdi ka lahayna faraha lamuu galeen ceebtaasna uma xambaariyeen isaga iyo xukuumadii wakiilka ka dhigtayba.

 

Tan labaad waxaa ila haboonayd hadii aan arintan madmadow ku jirin in xubninhii 21ka ahaa ee gudiga ahaa ay isku yimaadaan dhalinyarada cabanysana loo yeedho ka dibna la is hor fadhiisto oo si cad oo aan waxba ka soo noqon loo xisaabtamo loona cadeeyo wixii soo baxay gacanta ay gashay iyo xisaabta loo hayo wixii dib u baxaya la isla qiro laakiin dhawr qof dadka ma qancin karaan ee yaanay is ceebayn falaadhi gilgilasho kaagama hadho wax kasta oo aad noo sheegtaan mar hadii ayna isu dhamayn dhamaan dadkii arintan faraha la galay nama qancinayso shacab ahaan.

 

Tan saxexaad waxaa muhiima in aan sinaba loo ogolaan xisaab lagu bixiyey wax aanay isla ogayn gudigaas 21ka ah cidii bixisayna waa in ay iyadu jeebkeeda ka bixisaa oo aan lagu darin (expenditure) kharashkii baxay, laguna soo celiyo hantida umada ka dhaxaysa.

 

Tan afraad waa in la joojiyo weerarka iyo weerar celiska oo wax cad umada loo soo bandhigo si aaminaadu u soo noqoto.

 

Gebagebadii hadaanu nahay aqoontahankii reer Somaliland ee arintan ayaamahan dusha ka daawanayey waanu ka xunahay sumcad xumada iyo xisaab xumada la iskula wareegayo taasi oo aan dalkeena iyo dadkeena toona dan u ahayn Wakiilka Somaliland ee UK Ali Aden Awale ka dib markaan qiimeeyey mudadii uu xilka hayey wuxuu qabtay iyo wuxuu bulshada yeelay waxaa iisoo soo baxday in waxa uu yeelay ay badan tahay oo qofkaad aragtaaba wuu ka cabanayaa mana aha arin qabiil ku salaysan ama cid gaari necebtahay ee waa wax isga laga arkay aniguba isaga reer qansax baanu isku nahay kumana qanacsani markaan qiimeeyey waayo dhinac kastaa wuu ka cabanayaa markaa waxaan walaalkay kula talin lahaa inuu xilka iska casilo si dadkan qof isku wadi kara loogu soo magcaabo waayo dantu waxay ku jirtaa in la helo masuul dulqaad badan oo bulshada isku wada kari.

 

Eng. Khadar Abdilahi Mawliid

Bristol UK