Sarkaal ka tirsan xukuumadda oo Agaasimaha Idaacadda ku Eedeeyay in uu dambabasayo Dilkii Ceel af-weyn

0
81

Hargeysa(Waaheen) Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ilmaadeer ahaayeen Marxuum la odhan jiray Cabdi Faarax Caarshe oo Dilkiisu ka dhacay tuulo ku taala degmadda Ceel afweyn ayaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta ku Eedeeyay in uu doonayo in uu sii daayo Gacan ku dhiiglihii Dilkaas geystay halka uu uga soo gacan gelin lahaa Dawladda. C/laahi Caarshe oo ay ilmaadeer yihiin Marxuumka Dhintay ayaa Agaasimaha guud ku eedeeyay in uu odayaal ka kaxaystay Ceel af-weyn iyada oo aanay abeesha Marxuumku ogayn tagay beesha Reer Cumar oo gacanta si dhex ah ugu haysay Gacan ku dhiiglaha amray in ays ii daayaan isla markaana Reerku magta qaataan. Talaabada uu Agaasimaha Guud ka qaaday arrintan ayuu sheegay C/laahi Caarshe in ay tahay mid qalad ah oo sii fogaynaysa xaalada Qoyskooda oo aanu Agaasimaha Guud ka tashan go’aanka uu qaatay, waxaanu sheegay in ay tahay in Gacan ku dhiiglaha Xukuumadda loo soo gacan galiyo inta aanu fulin qorsha uu wato. C/laahi Caarshe waxa uu sheegay isagoo tix raacay Warar ku saabsan dhacdadan oo wargeyska Waaheen qorayay tan iyo sidii Dilkaasi u dhacay in loo baahan yahay in aan dadka xaalad abuur lagu samayn ee dariiqa sharciga ah la maro isagoo xusay haddii Agaasimuhu jidka uu qaaday ka soo noqon waayo in uu fidno ku sii kala ridayo labada beelood. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino Eedaha C/laahai Caarshe u nisbaynayo ayaanay noo suurtogelin kadib markii aanu weynay Telefoonkiisa gacanta iyadoo deegaanka uu ku sugan yahay lahayn Isgaadhsiin.