Dhibaatooyinka Baahsan Ee Ka Jira Wadanka iyo Dhalinyaro hablo Ah Oo Ku Hungoobay Cumaan

0
229

imagesHargaysa(waaheen)-Sannadkan U danbeeyay Ayaa Waxaa Magaalada hargaysa Iyo Dhamaan Gobalada Somaliland Si weyn Uga Baaxay Dhalinyaradii  ku Dhaqnayd , Ha U badnaato Dhalinyarada caasimada Oo Iskugu jira Hablo Uguba Iyo Inamo Yar –yar Oo dhalinyaro ah, si kastaba ha ahaate waxaa Jirta dalka Cumaan In ay Dhalinyaro Fara badani joogaan oo mustaqbalkoodi Lagaga soo ciyaaray kuwaasi oo La Sheegay inay Buux Dhaafiyeen Magaalada Cumaan Iyaga Oo Lagu Yidhi waxaa Magaalada Cumaan Ka Fuduud Dhoofka Oo Haya’da UN ayaa Qaadda Oo Ku qaadda Qoxoontinimo,

Si kastaba Ha ahaatee Waxa Dhalinyaradaasi ay U Badan yahiin Reer Hargaysa iyaga Oo Iskugu Jira Hablo iyo Inamo ka tagay Jamacadaha dalka, oo Marka aad Halkaasi ku Aragto Diifta iyo dhibaatooyinka Ku Haysta aad Aad Uga Naxayso, Hadaba Dhalinyaradani Ayaa Sida runta ah Waxaa Ay Aamin Sanyahiin in Ay meesha ka jirto Qaxoontanimo Haya’da UN ay ku Qaado Dadka Oo Ay Geeyso Canada Iyo Maraykanka, Sida xaqiiqda ah ee Warar hoosadyo ay Sheegayaan Ayaa waxaa jirta In Nin sodaaniyii uu Meesha geeyo oo Xafiisyo Hargaysa Ka Furan Ay ka Sii Qaadaan  5000 $ oo Dolaar.

Hadaba Dhalinyarada halakaasi Joogta Ayaa Waxaa Ay Badanaa Ka Shaqeeyaan Jaariyadnimo iyo Xogsi Iyada Oo Aad Arkayso Mararka qaar inan Yar Oo Ahayd Reer Hargaysa Oo Sidata,  Subax  hore Mafiiq Iyo Baaldi oo Ku Sii Jeeda Sidii Ay ugu Shaqo Tagi Lahayd Reer Cumaaniyiin ah iyada Oo Shaqada ku jirta  24saacadood Oo Aan Kala go’  lahayn Iyada oo Dadkaasina Aanay Haysanin Wax Sharciya Oo Ay ku Joogaan Wadanka, taasna Ay Kaga Faa’iidaystaan dadka Ay u Shaqeeynayaan Oo Mararka Qaar Dafira lacagtii Ay Ugu shaqeeyeen,

Hadii Aynu Dib Ugu Soo yara laabano xafiisyada Ka furan Magaalada Hargaysa ee Dhuumashada Ku Kaxeeya Dadkaasi Ayaa waxaa Sida Dhabta Ah Ay Ka Jiraan cimaarat al khayr iyo suuqa hoose Iyada oo Dadka Malinba Malinta Ka Danbeeysa  la Diro Shan shan Qof Oo aan Kala joogsi Lahayn Malinba Malinta Kadanbeysana waxaa Soo Badanaya Hablaha yar Yare e Ugubka Ah Ee Halkaasi Ku Darayoonaya Ee Moodaya Raaxo Iyada Oo Dhalinyaradan Ay Doofiyaan oo Ay ka Ganacsadaan Dad Gaadhaya 6 qof.

Hadaba Waxaa Xusud Mudan In ay Wasaarada Arimaha gudduhu Ay Shuqul Ku Leedahay Arimahan Dhacaya Iyada Oo Aan Waxba Ka Ogayn, Sidoo Kalena MAalintii uu Wasiirka Wasaarada Arimaha guddaha Mud. Maxamed Nuur Caraale Duur uu Hor Imid golaha Ee La waydii yay Sababaha Ay Wax uga Qaban Laayahiin Tahriibta Ayaa Waxaa Uu Ku Nuux nuux saday inay Wax Weyn Ka Qabteen Hadana Ay Baadhitaano Kale Ku Jiraan, Balse Taasi Ayaa Aanu Odhan Karnaa Wax Macquula Oo Meel Ku oola May Aheeyn Ee waxaa Ay Ahayd Iska Difaacid Su’aal.

Akhriste Waxaa Xussu Mudan Hadii Aynaan Wax ka Qaban Dhalinyaradeenaasi Tahriibaysa Inaynu Ku Caruur beeeli Doono Sidaasina Ay ku Baabi Doonaan Hablihii ugubka Ahaa Ee Dalkeena Somaliland