Bilawga Bandhigga Sooyaalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

0
81

qorWaa maqaal ib-dar u ah taariikh iyo tilmaan ku saabsan Md Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland oo ka mid ah hal-door aan ku waraystay barnaamij-sooyaal aan ka qabto dad kala duwan oo ka mid ah qaybaha bulshada iyo masuuliyiinta Somaliland, xogta qormadanina waxa ay iftiiminaysaa aqoontii aan Wasiirka isu lahayn intii aannan xog-bixinta shaqsi ahaaneed la yeelan.

Isaga oo ah mudane sheeggan iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa aan magaciisa bartay waayadaasna mucaarid xooggan ayuu ku ahaa xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, waxse golahaas uu xubinta ka ahaa la kala diray sannadkii 2005-ta oo la qabtay doorashadii Wakiillada… Waxa iigu xigtay Maxamuud Xaashi  oo ka mid noqday Golihii Wasiirrada ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii koowaad ee uu ku dhawaaqay dhismaha xukuumaddiisa isagoo noqday Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland.

 

Kulankayagii ugu horreeyay waxa uu ahaa badhtamihii  Oktoober/2011-ka kolkaas oo aan amin goorsheegtu ku beegan tahay 05:30  ugu tegay Xaruntii hore ee wasaaradda oo ku taallay faras-magaalaha Hargeysa, waxa la joogay salaaddiin iyo odayaal aan qaar badan oo ka mid ah garanayay.. Talagalku dharaartaas waxa uu ahaa inaanu xaajiyoon kala abbaar ah isla eegno laakiin cadceedda ayaa qarka u saarnayd inay dhacdo, markii aan u galayna waxa aannu isu bariidinnay si gobanimo leh…

 

Bulshaawinnimo iyo soo-dhawayn ayuu igu wajahay, arrimihii aannu faaqidaynay mid ka mid ah ayuu abbaaray waxaanu yidhi “Xaaji Cabdi Xuseen dhacdooyin badan ayaannu ka wada qayb-galnay inaan si waafi ah uga wada hadalnana waan jeclahay ee ballanka inooga dhig ayaan kale” Anna waxa aan ku warceliyay “Haye iyo hawraarsan”.

 

Qaddarka Alle kaddib, haleel la’aan ka timi dhinacayga iyo dhankiisaba waxa aannu isugu nimi gegada diyaaradaha ee Cigaal maalintii sooyaalku ahaa 28/Oktober/2011-ka waxa na wehelinayay Muuse Ibraahin Selef oo ah Agaasime-waaxeed ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada.. Arooryadaas oo Jimce ahayd waxa madaarka Hargeysa ka ambabaxayay wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo socdaal ugu dhoofay waddamo dibadda ah.

 

Qolka nashada mudanka (VIP) ayaannu fadhiisannay halkaas oo aanu ku shaahnay cabbaarna wadajir ugu lafa-gurnay sheeko guud iyo xaalado markaas geyiga ka aloosnaa, waxba yaanan tiraabta badine waxa aan Wasiir Maxamuud Xaashi hordhigay cod-keydiye ii darbanaa si aan uga duubo erey ku saabsan aqoonta, xidhiidhka iyo tilmaanta shakhsiyadda Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), weedhaas oo lagu darayo dhiganaha SAMO-TALIS. Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe), waan maqli jiray in muddo ah, oo dhallinyaradii 1984kii SNM ku biirtay ayaan ahaa, weliba xagga SNMta lagama jeclayn, oo oday  dawladda la shaqeeya, oo Hargeysa jooga in uu yahay ayaan warka ku ku hayay. Kollay aragti waa lagu kala duwanaan karaa, haddii nin laga qayliyana waxaad dareemaysaa in aanu qof tamar yar ahayn ayaad dareemaysaa. Ninka ragina waa ka meesha uu ku jiraba wax ka tara.

 

Aragtidiisa waxa iigu horreysay shirkii Madaweyn oo 1989-kii ay qabteen Guurtidii Cadaroosh lagu sameeyay, oo ay ku dhexdhexaadinayeen khilaaf soo kala dhex galay SNM. Hadalladii uu halkaas ka jeediyay ayaan xasuustaa. Shirkii Balligubadle ee 1990kii ayaanu haddana ka wada qayb galnay. Waatii dalkii la soo galay. Anigu markaa waxaan noqday maayarkii u horreyay ee Burco, Feb/1992kii ayaa la i magacaabay, aniga oo ah nin dhallinyaro ah. Dawladda Hoose ee Burcona waxa ay noqotay tii ugu guusha badnayd ee dalka xilligaa, ee cashuur ahaan, maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba ugu koboca badnayd, sidaas darteed ayay Burco u ahayd meesha kaliya ee Shirkii Somaliland lagaga dhawaaqay ee 1991-kii marti gelin karaysay. Sidaasaana loo doortay Burco.

 

Xilligii uu C/Raxmaan Axmed Cali dalka taladiisa hayay, khilaafyo siyaasiya ayaa dalka ka dhacay, SNM yaa kala qaybsantay, markaa Nofember/1991-kii ayaan Hargeysa imi oo aan u qaylo dhaan u dirsaday Xaaji Cabdi, AHN Sheekh Ibraahin iyo AHN Suldaan C/Raxmaan, Burco ayay noogu yimaaddeen, xiisaddii bay dejiyeen. Laakiin nasiib-darro waa kii dagaalku dhacay Feb/1992kii ee ay Reer Burco is-dileen. Xaaji Cabdi markanna waxa uu ka mid ahaa Guurtidii dagaalka damisay. Meel adag ayuu nin adagi ka muuqdaa. Iyadoo weliba guurtida loo tirinayay in ay dawladda ka tirsan yihiin, ayay haddana dagaalkii damiyeen. Shirkii Tawfiiq ee Sheekh lagu qabtay, iyada oo wax walbaaba murgeen, Xaaji Cabdi waxa uu ninkii dadka heshiisiiyay. Markii dambena Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida ayaanu ku kala jirnay, halkaas oo aanu ku yeellanay wada shaqayn dheer.

 

Sifooyinka Xaaji Cabdi waxa ka mid ah dhaqan-yaqaannimo uu kaga duwan yahay rag badan, garyaqaannimo, xasuus badnaan, nabad jacayl oo waxaad dareemi kartaa illaa yaraantiisii, iyada oo nin labaatan jir ahi talada uu uga boodo siduu laanta uga boodo, in uu saamaxay ninkii aabbihii dilay. 1994kii markii qabyaallada loo kala soocmay, oo dagaallada sokeeye dalka ka dhaceen, waxaad dareemi kartaa siduu qarannimada u qaatay, kollay waxa uu ahaa go’aan adag oo aanu nin liitaa qaadan kareen.

 

Xaaji Cabdi siyaasadihiisa kuma jiraan in la mucaaridaa, laakiin waxa uu dad badan kaga duwan yahay, waa nin hadal cad oo dadka uu la joogo aan runta kala gabban madaxweynayaasha sida C/Raxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Daahir Rayaale. Oo waa kii lahaa “Tuurna dadka la hadal ayaanu ugu taag waynay, Cigaalna dadka ka aamu ayaanu ugu taag la’nahay”.

 

Xaaji Cabdi dadka aan ixtiraamo ayuu ka mid yahay. Dadku waxay qofka ammaanaan markuu dhinto. Laakiin intuu nool yahayna waa in qofka wanaaggiisa la sheego. Xaaji Cabdi mar kasta wanaaggiisa ayaa wax kasta oo kale ka badan. Waxaan xasuustaa markii aanu KULMIYE ku dhawaaqaynay ayaan ku idhi noo kaalay ninkaa odaygaa (Siilaanyo) ayaa Xisbi ku dhawaaqayee. Wuxuu yidhi “maad iska kay daysaan, kollay khayr iga heli maysaane?”. “Dhib malaha ee noo kaalay” baan idhi. Wuu noo yimi. Wuxuu yidhi, “annigu kollay muxaafid baan ahaye, laakiin dadka waxaan leeyahay ninkaas odayga ah ee Siilaanyona yaan illaawin reer Somalilandoow xaq badan ayuu idinku leeyahaye”.

Saeed Mohamoud Gahair

saedmgahair@hotmail.com