Hooyo ma oktoobartiibaa? !!!!!

0
49

coomayW/Q: Cali Cabdi Coomay

Waa islaan aan da’deeda ku qiyaasay 70-jir oo ay ka muuqato da’i, balse caafimaad qabta. Waxay luudaysaa wadada agteeda, waxay ku tukubaysaa ul. Ma xidhna muraayada araga, oo indhaheedu waa kuwii labaatan jirada. Dadka agteeda maraya qof, qof ayey wejigiisa u garanaysaa. Waxay soo istaagtay goob aan ku sugnaa, ka dib hoos iyo sareba way ii eegtay, markaasay hadana ku jeesatay dhalinyaro hablo u badan oo dhanka koonfureed naga xigay, ka dib waxay tidhi” oo hooyo ku sidan isugu marani, ma qurbaha ayey ka yimaadeen”.

Ka dib waxaan ugu af-celiyey”waan u malayn, laakiin ma hubo”. Ka dib waxay igu qancisay, oo tidhi” waatay hooyaday goblantaa meel kale kamay iman”. Hadana anigana ayey igu soo jeesatay, oo tidhi” oo adigu maxaad sugaysaa?”. Waxaan ugu jawaabay” nin aanu saaxiibo nahay”. Oo halkuu joogaa, ayey tidhi. Wuu soo socdaa, ayaan ugu af-celiyey. Ileyn waa markaygiiye waxaan ku idhi” oo adigu hooyo ma suuqa ayaad ku socotaa?”.

Ka dib way xanaaqday, oo tidhi” waar suuqa maxaa iga yaala?.” dee waan ku su’aalay, ayaan ugu jawaabay. Ka dib waxay tidhi” waxaan halkan u imid inaan jimicasado, oo fadhi ayaa i diley”. Waan gartay ayaan ku sasabay. Iyadoo halkaasi sheekadu marayso, ayey laba dumar ah, oo wada socdaa oo sheeko macaan haya ayaa nala soo joogsaday. Sidii hore u dhacday, ayey islaantii hoos iyo sarebe indhaha ula raacday. Ka dib waxay ku qaaday weerar oo ku tidhi”naa hoos u hadla, oo buuq ayaad nala soo gasheene”.

Mid ka mid ah dumarkii ayaa ugu jawaabtay, “ hooyo bal is-deji dee anaga sheekaysanaynee, xagagaa maaha.” Halka gabadhii kale ay afka gacanta saartay, oo si hoose u tidhi” naa bal intay leegtahay ee ay noo hanjabtay eeg.” Markaasay indho qosol ku igu soo eegtay. Islaantiibaa tidhi” ma xuma inaad sheekaystaan, laakiin codka naga naaqusa.” Labadii dumarka ahaa ayaa qosol u dhacay. Mudddo yar ka dib waxa dhinaca bari nagaga soo baxay gaadhi ay saaran tahay sameecad weyni oo ay ka baxayaan heeso wadani ahi.

Islaantii ayaa aad u dhegaystay, ka dib intay hareeraha eegtay, ayey xagayga soo jaleecday markaasay tidhi” hooyo ma oktoobartiibaa?”. Markaasaan ugu jawaabay “ maya waa ciyaaraha gobolada somaliland”. Hadana waxay i su’aashay “ sow octoobarta garanmaysid?”. Markaasaan ugu af-celiyey “ haa oo waa maalintii max’ed siyaad barre dalka inqilaabka ku qabsaday.” Intay dirqi ku qososhay, oo ilko badh maqan yihiin soo saartay, ka dibna qufac raacisay, ayey tidhi” wallee nin rag ah, waad haysaa taariikhda.” Markaasay iga dhaqaaqday.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com