Somalilands Fyns Hjæpeforening (SFHF)

0
110

denmarkWaxa habeenkiiAxadaoo ay tariikhdu aheeyd 02 June 2013ka la soo gaba gabeeyey
shirwaynahii labaad ee ururka Somalilands Fyns Hjæpeforening (SFHF) 
ama ururka Jaaliyada Somaliland ee magaalada Odense Danmark.

oo ka socday magaalada Odense ee wadanka Denmark mudo laba cisho ah
Halkaas oo ay iskugu yimadeen xubnaha ururka,jaaliyada reer Somaliland
ee ku dhadhan magaalada Odense iyo dad badan oo daneeynaya shaqada
ururku uu qabto oo ah caawinta dadka ugu taagta daran ee ee ku nool Somaliland
kuwaas oo ah dadka maskaxsa wax ka qaba, agoomaha iyo rajada reer Somaliland.

Waxa halkaas qudabad dadkii ka soo qayb galay Shirweeynaha ururka
Dhiigoodii kacisay ka jeediyey gudoomiyaha ururkas mudane Mustafe Yussuf Ibrahim (MustafeYamaarug).
Qudbadisa oo ku saabsaneeyd sidii ururku uu uga heli lahaa
taageero buuxda jaaliyada reer ee ku nool magaalada Odense iyo sidii ay ka jaaliyad ahaan uga wada shaqeeyn lahaayeen hore u marinta wadankii hooyo. Waxa kale oo uu qudbadiisa ka mid aheeyd in uu ururku doonayo in urarada kale ee jaaliyada Somaliland ee ka jira wadanka Denmark in ay sameeystaan dallad guud ooy iska kaashadaan sidii ay uga shaqeeyn lahaayeen hore u marinta wadankii hooyo.

Waxa kale oo isna halkaas hadlay.
Sh. Mahdi Mooge Jamac oo kamid ah gudida ururka iyo culimada
magaalada Odense. Isaga halkaas ka soo jeediyey wacdi diini ah oo ku saabsana
fadliga ay lee dahay caawinta la caawiyo agoomaha iyo dadka waalan ama cudurka dhimirka qaba.

Taas oo ah sadaqo jaari ah waayo qof walaal ka ah oo ay dhibaatooyin haysteen ayaad caawisay.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Maxamed Ismaciil Xasan oo ka mid ah gudida dhaqaalaha
ururka. Oo isagu ka hadlay dhaqaalaha ururka inta soo gasho iyo wax qabankii sanadka.

Waxa kale oo halkaas isna ka hadlay.
Abdiraxman Maxamuud Jamac (Cabdiraxman Sanyare) oo ka socday ururka dhalinyarada,
reer Somaliland ee magaalada Odense oo halkaas ka cadeeyey sida ka dhalin yaro ahaan
uga go’an tahay in ay la shaqeeynayaan Ururka (SFHF).

Waxa kale oo halkaa iyaguna ka hadlay Axmed Cabdikariin iyo Cabdirisaaq Axmed (Ina Afqaraf)
oo ka kala socday Jaaliyadaha Harlev iyo ta Copenhagen.

ayaa igaguna halkaas ka sheegay in ay la shaqeeyna yaan ururka (SFHF)

Waxa shirka ka soo baxay qodo badan hoos ku qoran.

1.      Sidii uu ururku shaqada uu hayo iyo waxa uu qabto ugu bandhigi lahaa dhamaan jaaliyadaha reer Somaliland
ee ku dhaqan wadanka Denmark iyo Jaaliyaha kale ee reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

2.      In ay gudida ururku u hawl gasho sidii ay ula xidhiidhi lahaayeen dhamaan ururada reer Somaliland.
ee ka hawl gala wadankan Danmark oo ay kala hadlaan sidii loo helilaha Dalad guud oo ay wada
hoos yimadaan ururada Reer Somaliland ee ka jira wadankan Danmark.

3.      In uu ururku ku yeesho xafiis wadankii hooyo waa Somalinad eh
oo xafiisku noqdo mid samafal oo shaqadiisu noqoto sidii xog buuxda
looga helilaha dhimaatooyinka haysta dadka ugu taagta daran oo ah agoomah,rajada iyo
dadka cudurka dhimirka qaba.