Qalaasaha Qul-qulka Wabiga Niil iyo Qorshayaasha Masar Iyo Itoobiya

0
266

aarWaxa in dhawaydba muran xooggan ka taagnaa dhaam ay Itoobiya tamar ka dhalinayso oo ku yaala webiga Nile,dhaamkaasi oo soo saari doona 6,000Meggawat oo koronto ah taasi oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha,ganacsiga iyo horumarka Itoobiya iyo dalalka la jaarka ahba.Waxa badka la soo dhigay saamaynta uu ku yeelan doono qul-qulka webiga Niilka marka ay Itoobiya hirgeliso dhaamkan sannadka 2014ka ee inagu soo aadan,waxaase saluug iyo cabsi xoogan ka muujiyay Suudaan iyo Masar oo biyaha webiga manaafacaadsada.Masar oo ah waddanka hela saamiga ugu badan ee biyaha webiga Niilka ayaa cadho xoogan ka muujisay dhaamkan,waxaanay siyaasiyiinta qaar ku taliyeen in la duqeeyo dhaamka si Itoobiya loogu kalifo inay haddana dib u soo kakabto.Waxa xusid mudan in waddanka Masar  uu hadda ka taliyo xisbi islaami ah oo qayb ka ah Ikhwaanul Muslimiin,xisbigaasi oo lagu magacaabo Xorriya wal Caddaala(Freedom and Justice Part)waxay markiiba la kulmeen mucaaraddad xooggan oo gudaha ah taasi oo ay abuureen cilmaaniyiinta iyo kuwa shareecada diidan.

Bal haddaba  aynu is dul taagno waddan kasta xaalkiisa dhaqaale,siyaasadeed iyo midka gudaha,inaga oo ku horayn doona Masar,waxaynu ku xigsiin doonaa Itoobiya,dabadeed waxaynu kusoo afmeeri Suudaan,inta kadib waxaynu raacin faalo kooban iyo doorka waddamada gobolka

Masar

Waddanka Masar waxa ka dhacay kacdoon isbedel doon ah,kaasi oo taladii lagaga tuuray hogaamiyihii kali-teliska ahaa ee Maxamed Xusni Mubaarik oo xukumayay in ka badan 30 sanno.Kacdoonkii Masar ka dhacay waxa uu ka bilaabmay fagaaraha Taxriir,kaasi oo markii dambe waddanka oo dhan ku fiday ilaa taladii waddanka laga faramaroojiyay Mubaarik.

Waxa xusid mudan in ciidanku ay iska diideen inay dadka cabudhiyaan isla markaana ay xabad iyo xoog u adeegsadaan,taasi oo markii dambe ku kaliftay Mubaarik inuu iscasilo bishii feebarweri ee 2010kii.Waxa waddanka lagaga dhawaaqay doorasho,taasi oo ay xisbiyo fara badan ku tartameen,waxaana ka mid ahaa Ikhwaanul Muslimiin oo hore Mubaarik u  mamnuucay,markii se talada laga tuuray madaxa lasoo kacay oo soo sharraxay dhowr murashax,aakhirkiina iskugu biyo shubtay Maxamed Mursi.Waxa dhulka galay dhaqaalihii waddanka oo intii kacdoonku socday curyaamay taasi oo sababtay shaqa la’aan baahsan iyo jiyad jab ay la kulmeen dhalinyartii hormoodka ka ahayd kacdoonkii Masar.

Doorasho adag ka dib waxa la doortay bishii Juun ee sannadkii 2012kii Maxamed Mursi ,balse markiiba waxa uu la kulmay mucaaradad xoogan oo ay dabada ka riixayaan xisbiyadii mucaarad ka ahaa sida kan Maxamed Albaraadici hogaamiyo oo cilmaani ah iyo taageerayaashi Axmed Shafiiq oo ahaa murashaxii uu Mursi kaga adkaaday doorshadii,wasir horena ahaan jiray.

Madaxweyne Mursi waxa uu fursad uu ku midayn karo shacabkiisa ka dhigtay arrinta dhaamka Itoobiya oo isku soo dhawaysay dadweynaha Masar siday u dhan yihiin,arrintaasi oo lagu qaada dhigayay maalmihii u dambeeyey saxaafadda Masar iyo sidii laga yeeli lahaa dhaamka Itoobiya.

Soojeedinta siyaasiyiinta Masar oo ka kooban saddex ayaa waxay kala yihiin;in arrinta wada xaajood lagu dhameeyo,in cadowga Itoobiya la hubeeyo si aanay Itoobiya fursad u heli uguna mashquusho,sida jabhadaha ku kacsan iyo tan saddexaad oo ah in la duqeeyo dhaamka laftiisa,taasi oo faraha lagaga guban doono  arrinta Niil kana sii murgin doonta.

Itoobiya

Itoobiya waxa Ra’iisal wasaare loo doortay bisii Sebtember ee sannadkii 2012kii Hailemariam,kadib markii uu geeriyooday Melez Zenawi oo in muddo ah xukumayay,waxaanu u muuqdaa nin raacaya siyaasaddi Melez.Khubaro farabadan ayaa filayay inay Itoobiya kala daadan doonto markii Melez geeriyooday,taasi oo lagu sababaynayay inuu Melez ahaa ninka isku hayay qoomiyado badan oo cadaawad da’ weynina ka dhaxayso,iyada oo ay jireen jabhado u dagaalamaya inay goostaan sida ta Oromada ee OLF iyo ta Soomaalida ee ONLF,kuwaasi oo uu wiiqay in badana soo xero galiyay.Dhaqaalaha waddanka waxba iskama badalin.

Suudaan

Waddanka Sudan oo ahaa waddanka Afrika ugu balaadhan ka hor intii aanu kala go’in Waqooyi iyo Koonfur,waxaana ka dhex taagan xaalad cakiran oo waxa muran ka ugu weyni ka jiraa shidaalka ay soo saarto koonfurtu  oo sii dhex mara Suudaan  oo ay qaadaan dhuumaha Suudaan halkaana laga dhoofiyo,waxaana soo baxaya inay Sudan joojisay dhuumihii shidaalka,kadib markii khilaaf ka soo cusboonaaday kaasi oo si weyn u dhaawacay dhaqaalaha labada dalba. Waqooyiga Suudaan dhuumaha sii dhex mara waxay ka qaadaa lacag taasi oo soo gelisa dhaqaale hor leh laakiin in muddo ah shidaalkaasi lama dhoofin waanu saameeyay.

Dhaamkan ay Itoobiya wado maaha mid hadda uun bilaabmay ee waa mid in muddo ahba soo socday waxaana hore loogu saaray gudi farsamo oo soo qiimaysa inuu saamayn ku yeelanayo qul-qulka webiga Niil iyo hadday jirto inta ay le’eg tahay,waxaan se gudidii sugin Masar oo saluugsan hawlahooda iyo iyada oo rabta inay ka hor tagto ka hor inta aanu hirgelin.

Istaraajiyadda Masar,Itoobiyo iyo Suudaan ayaa ah inay mid walba midkale cadowgiisa taageerto iyo inay hanato cid kasta oo ku lug-leh arrintan,waxaana bilowday Masar oo kaadhadhka ay ku ciyaarayso waxa kow ka ah Soomaaliya oo iyaduba teedii u taag la’;waxaana bishan Juun 4teedii ka degay Muqdisho khubaro milatari Masaari ah oo taageero milatari u fidinaya dawladda Soomaaliya,kaadhka labaad ee Masar waa Suudaan waxaanay ku qancinaysaa inuu dhaamkaasi Suuadan iyo Masar ba khatar ku yahay.Itoobiya kaadhadhka ay haysato waxa ka mid ah Somaliland oo ay doonayso inay ku fara adaygto isla markaana aan lagala hoos bixin,waxaana daliil cad u ah khudbadii uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailamariam ka hor jeediyay baarlamaanka Itoobiya dabayaaqadii bishii May,taasi oo uu si kulul ugu sheegay inay difaaci doonaan Somaliland isla mar ahaantaana ay taageero nooc walba la garab taagan yihiin,iyada oo aanay dad badan fahmin hadalkaa ayaa waxa si buuxda loo gartay markii arrinta Niil ku badka timid,waxaaana xigay khubaradi Masaarida ee Muqdisho ka degay.Waxaan wali cadayn doorka waddamo badan oo gobolka ah sida Kiiniya,Koonfurta Suudaan, Ereteriya iyo Soomaaliya,waxaanse daliil u baahnay doorka Koonfurta Sudan oo la safan doonta Itoobiya iyo Eretiriya oo marwalba Itoobiya kasoo horjeeda.

Arrinta Niilku waxay sii murginaysaa xaalka geeska Afrika oo markii horeba liic-liicayay iyada oo ay Soomaaliya isku garbinayeen Itoobiya iyo Kiiniya oo mid waliba doonayo inuu galaangal ku lahaado siyaasada Soomaaliya.

W/Q: Sa’ad Mohamed Hassan (Aareeye)

Email: aareeye2020@gmail.com