Maraykanka iyo Reer Yurub oo u baratamaya Iibsiga Dhulka Dihin ee South Sudan iyo Somaliland

0
60

togdheer sss“Waxaan doonayaa dhul aan Iibsado oo Somaliland ama Koonfurta Sudaan ah Kiiniya ma doonayo waliba waxaan xiisaynayaa Somaliland” Phil Helberg Maal-qabeen Maraykan ah

Telefishanka Aljazeera ee xaruntiisu tahay dalka Qatar ayaa habeen hore barnaamijkiisa The Witness wuxuu ka sii daayey barnaamij cajiib ah oo layaableh,  barnaamijkaasi oo la magac baxay “Our Man In Sudan” oo ah ninkayagii Sudan.

Barnaamijku wuxuu ku saabsanaa sida tujaarta iyo dilaaliinta maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedku ay uga shaqeeyeen sidii ay dalka Koonfurta Sudan xornimo uga heli lahayd Sudan ta kale iyagoo ujeedada koobaad ee ay ka lahaayeen ahayd sidii ay u iibsan lahaayeen dhulka ku qaniga ah macdanta, shiidaalka, beeraha iyo dahabka ee dhulka koonfurta Sudan.

Haddaba mid ka mid ah nimankaasi tujaarta ah oo hore u ahaan jiray Bangiyahan weyn oo haysta lacag balaayiin dollar ah oo la yidhaahdo Phil Helberg oo dhalashadiisu tahay dalka maraykanka ayaa ka mid ah nimankaasi iyagu dhulka hore uga iibsaday dalka Koonfurta Sudan.

Wuxuu barnaamijkani ka samaynaya filim ninkaasi oo imanaya Juba caasimadda koonfurta Sudan isla markaana ku daba jooga in si rasmi ah ay wasiiradda Koonfurta Sudan ugu saxeexan inuu dhulka hantiyo, waxaana dawladda uga mukhalas ah nin Janaraal ah oo hore u ahaan jiray hogaamiye kooxeed haddana laga dhigay taliye ku xigeenka ilaaladda madaxweynaha dalka koonfurta Sudan Silva Kier.

Arrinta cajiibka leh ee barnaamijkani ayaa ah in ninkani Bilyaneerka ah ee Phil Helberg oo ka mid ahaa ragii qaybta libaax ka qaatay in koonfurta Sudan ka go’do Sudan si uu dantiisa uga fushado ayaa waxaa u imanaya mar nin Mukhalas ah oo ay is dhaafsanayaan baayactan dhuleed wuxuuna ku odhanaya mukhalasku Phil Berg “inteed ka shaqaynaysay hawlaha shiidaalka iyo macdanta, wuxuuna ugu jawaabay anigu waxaan ku jiray noloshayda oo dhan, laakiin waxaa jira dad nala shaqeeya oo ilaa 35 sanno ku jiray” dabadeed ninka mukhalaska ah ayaa ku odhanaya “ka waran waxaan ku haya dhul weyn oo qanni ku ah macdanta kobarta (copper) dalka Kenya”,

Dabadeed ninkani taajirka ah ee Phil Berg ayaa ku jawaabaya “maya Kenya dooni maayo waxaan doonayaa halkani Koonfurta Sudan ama Somaliland, haddii aad ka hayso diyaar ayaan u ahay”.

Ninka mukhalaska ah ayaa u sharaxaya Phil dhulkaasi haddana Phil ayaa ugu jawaabaya “dhulkaad ka hadlaysaa ma Somaliland ayuu ku yaalla” mukhalaska ayaa ku jawaabaya “maya waa Kenya” dabadeed Phil ayaa ku odhanaya “Maya Somaliland ayaan aad u xiisaynayaa”

Barnaamijka qaybtiisa labaad todobaadka danbe oo Aljazeera soo dayn doonto ayuu Phil wuxuu tagaya Hargeysa oo uu sidani oo kale doonayo in dhul shiidaal ku jiro iibsado la soco.