‘Ma hadhin hadal la is-yidhaahdaa’ (Hubaal waa hubaal, hiilna way helaysaa)

0
114

wwa“Waa ha hadlin,

Oo ha arkin,

Oo ha maqlin,

Waa habaar,

Waa habaar,

Waa habkaynu nahee,”

 

Cali sugulle Dun-carbeed, Riwaayaddii Kala-haab, 1966kii.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Kama qasna. Sida la sheegay qol-qolkana kama fogaadaan. Qedo iyo qaad. Quraac iyo qaxwe. Qol iyo dugsoon iyo qalab aan laga maarmin. Midna kama qatana. Qanjahaas ayay joogaan, sida ay iyaga la tahay. Dad qummaati u hawl-gala ma aha, qadhaabka se cidi kuma gaadho. Waa barqo-dhereg aan waayaha adduunka ka war hayn. Waxay soo fadhiisteen hudheel aan hudheellada ku jirin oo ay qedo waafiya ku ballansadeen. Beryahanba waa ay xiiqsanaayeen, oo fadalkooda iyo faalladaba waa lala wareersanaa.

Lammaanaha aynu sheekada ku ballaysimaynaa, waa Ku-dire iyo Ka-dare oo aan kala hadhin, xarumahana aan ka maqnaan. Maanta shaqada ayay ku raageen oo goor dambe ayay hudheelka soo fadhiisteen. Markaas ayay xidheen Radio Hargeysa oo ay warkii ka dhegaysanayeen. Farxad ayay u kala dillaaceen markii ay warkii ka maqleen in Wargeyskii Hubaal la xidhay. Kob caano leh kama soo durduriyaan, goob lagu jabayna intaa waa ay jiqillo weyn yihiin.

Ku-dire: Alleylehe, hawshaas si wanaagsan ayaynu u gudannay, (Wuxu bakhtiinayay xabbad sigaar ah oo uu nafta yar isugu keenay oo uu jiidisteedii ku raagay),

Ka-dare: Waar ninyow haaye, wargeyskii ama waraaqihii oo keliya ayaa la xidhay. Waxaan ku weydiiyay oo maxaa khadkana loogu dari waayay? Mushkiladda Wargeyskan Hubaal wax kale ma aha ee waa khadkeeda oo aad la yaabayso khaakhaayiradda uu sameeyo. Sida aad u janjeedhiso bogagga ayay xuruuftuna isla beddeshaa. Waxa lala yaabban yahay halka ay ka keenaan, waxaana la yidhaahdaa: “gacan shisheeye ayaa ku jirta.”

Ku-dire: Waar khadku waa meel soke oo HHH-tiibna weynu u diriye, maxaa ninyow dadkii qorayayna loo raacin waayay?

Ku-dare: Oo horto HHH-dani maxay ahayd?

Ku-dire: Oo miyaanad maqlinba ciidammada Hunnuushta Hannaashta Haawan, ee hawada ka soo data! Ballanka Eebbehay Ha’da saddexa-maran ayaa la yidhaahdaayoo, halka ay ku degaan in aan doogba ka soo bixin,

Ka-dare: Waar dadkan iyo waxan la iskuma taabto. Maxaa kaa galay kol haddii aanay Hubaal soo baxayn. Caawa ayaa hurdo inoogu horraysa.

Ku-dire: Wallee in aanay aniga ila ahayn e’, arrin aynaan maareyn karayn ayaynu gallay. Ilaah inoo sahla se waa aynu leenahay, in kasta oo aanan meesha ku ogeyn maamul saadaal iyo saymo-ka-cararba hilaadin kara,

Ku-dare: Xaalku sidii hore ma aha. Ruug-caddaa iyo dhallinyaro darban ayaa meesha isku bahaystay oo maammulladii hore oo dhan baro-dhaafisay,

Ka-dare: Waar xiiqnay e’, qedada I noo dalbo aan meesha ka yaacno e’.

Waa sheeko gaaban oo dhex maraysay laba ka mid ahaa deris-ku-noosha dhiigga iyo dheecaanka dadka ku mamtay ee kabo-qaadnimada ku caan-baxday. Rakaab-xumana waw kow.

La ye Hubaal ayaa la xarrimay in ay soo baxdo. Bal ka warrama haddii aanu dadku taariikhda iyo maalmaha aadamaha soo maraba waxba ku qaadanayn. Meel fogba laga dooni maayo. Ninkii ba’anaa ee dalkan iyo dadkan u talin jiray 21ka sannadood ayaa waayo-aragnimo inagaga filan. Ma dadkaa la aamusiin karaa? Dadka oo la aammusiyaa, waxay la mid tahay dabaysha oo la qab-qabto, taasina ma suuroobi karto. Horteen jiraba kari waa oo meel ay adduunka taasi ka dhacday ma jirto. Ma wixii uu Siyaad Barre kari waayay ayay dawladdan aynu dhoob-dhoobannay karaysaa? Ma waxa ay Israa’iil kari weyday? Ma waxa Maraykan kari waayay? Ma waxay caddaankii tirade yaraa ee Koonfur Afrika kari waayeen ayay karaysaa xukuumaddan tamarta daran ee ay dadweynuhu hiil iyo hooba u yihiin? Ma dadkii ay ku jirtay ee ay ku joogtay ayay ka jirtaa oo ka soo hor jeedsanaysaa oo ay maanta u turuqyo weyn tahay? Haw innaga is-garanayna maahin!

Maye maalmihii dulsaarka ahaa? Mee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd? Miyaanu Madaxweynaha maanta dalka ka taliyaa ku faani jirin in uu ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa? Muxuu u halgami jiray? Muxuu ka halgami jiray? Muxuu ka halgami jiray? Muxuu hoggaamin jiray? Muxuu maanta u taagan yahay ee uu u halgamayaa? Qaa’imaddii halgankii hubeysnaa maxay ahayd? Xorriyatul-qowlku miyaanay ku jirin waxyaabihii loo soo halgamay? Mise tolw halgankii iyo ololihii Xisbiga Kulmiyeba waxay ahaayeen: “Hoosta ka-sumuni, dusha ka saddex gambo.”

Miyaanu Hadraawi hore, maansadiisii Jiitama ugu odhan:

“Miyaan dheelalaysnahay,

Mise waan dhadhabayaa,

Dhammaan guulahaygii,

Riyo iyo ma dholol baa,

Ma dhibaad nin bixiyaa,

Ma runtaan dhacdo ahayn,

Dhagax-tuur ma been baa,

Labadii dharaarood,

Mee ninkii is-dhinac sudhay,

Miyaan daayay dhagartii,

Mise dhiilladaan jirin,

Mise tolow dhalooshaa,

Dhidibkeedu adag yahay?”

 

Waa laba kale. Show dadku waa ay isku wada lammaan yihiin oo qof keligii jiraaba waa uu yar yahay. Makhaayadahaa dan-yarta mid ka mid ah ayay fadhiyaan. Laba koob oo shah ah oo caddays ah oo ay dirqi iyo si fool adag ku soo heleen ayay dalbadeen, xabbad sigaar ah oo malahayga habeen-ka-hadh ahaydna waxay ku tashadeen in ay iska daba sugaan.

 

Kulan: Warka waad haysaa in Hubaal albaabbada loo xidhay?

Kadeed: Waan maqlayay. Oo tolow maxaa lagu haystaa?

Kulan: Waxaan u malaynayaa kii weeraray oo ay maalin kasta bogga hore ku soo sawiraan kii oo figaysan oo indhaha caddaynaya. Waxay ku dul qoraan: “Yaa ka danbeeyay.” Arrintaana bilayska ayaa aad uga xanaaqa maalin kastana qaar badan inta dhiiggii ku kaco ayaa cisbitaalka loola cararaa.

Kadeed: Waar arrintu sidaas ma aha. Ka waaweyn. Waxa la isla dhex marayay iyaga iyo Allahood e’, waxa laga xanaaqsan yahay kan yar ee la xidhay ee sirtii Baanka oo dhan suuqa dhig-dhigay. Waxa la is-yidhi inta aanay daabicin ferdedaha u laaba.

Kulan: Waar yarkan baanku waa salleello. Waa meel soke ayaan ku leeyahay. Arrinta ugu daran ee Hubaal maalmahan ku mashquulsanayd, waxay ahayd wefdigii Yementa ee suuqa ee la isla dhex marayay waa Masaari meydhaaman. Anigu waxaan ku leeyahay xummaddii webiga Niilka iyo Biyo-xidheenka ayaa ina soo gashay.

Kadeed: Taas ayaa inoogu daran. Labadaasi haddii ay doobta isu ridaan, dagaal lagu hoobto ayaa meesha ka dhacaya. Waxa inala gudboon oo keliya sidii aynaan u noqon lahayn dooggii labada maroodi isku dul qabsadeen,

Kulan: Ilaah ina badbaadiya waa aynu leenahay, bal se maamul inala baxsada baabbacadaa timo ka eeg. Dantoodaba ma dhaafaan.

 

Beryihii nidaamkii Siyaad Barre ayaynu maqli jirnay dameer ayaa la xidhay. Arrintaasina mid dhacday ayay ahayd oo waa tii uu Cabdi-qays ka falkiyay maansadii la yaabka lahayd ee Darmaan iyo Dalxiis.

 

Reer Xamarka ayaa ku maah-maahi jiray: “Cimrigaaga oo dheeraadaa, geel dhalaayana waa ku tusaa.” Ma maanta ayaynu innaguna u taagan nahay oo arkaynaa warqad la xidhay, khadkeediina la doon-doonayo iyada oo dadkii qorayay ay Maxkamad iyo bilaysba kor taagan yihiin oo ay leeyihiin: “Maxay warqaddu galabsatay, annaga ayaa waxa ku qoran qorna e’.” Bal ka warrama eedda aadamuhu geli waayay ee ay warqaddaasi galabsatay ee lagu xidhay, khadkeediina meel ku ka baxsado ka la’ yahay magaaladii Hargeysa mug weyn!

 

Ma Hubaal oo sugaysay in Maxkamad loo soo taago ciddii weerartay oo gacanta lagu hayo oo weliba Caloolay gacanta ka jebisay ayaa quful weynna loogu daray!

 

Gaarriye miyaanu hore u dhan:

 

“Dal ayaan ku noolahay,

Saddexdii dalaaqood,

Lagu furay dadnimadii,

 

Dal waxaan ku noolahay,

Runtu arag-darraysoo,

“Daaddihi” la yidhi been,,

 

Hadday dunida been tahay,

Dusduskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan,”

 

Waa goorma maansadani? Waa 1/5/1999kii. Socod-baradka maanta talinayaa maba ay dhalan.

 

Hubaal waxay eed ku geli kartaa waxay qortay, waxaana loo qabsanayaa oo loo raacayaa ciddii qortay. Eed ma qalaan waraaqaha iyo khadadku. Maxay galabsatay Hubaal ee loogu soo eedayn waayay? Ma kiis baan loo hayn? Ma waxay la tahay in ay xidhnaan doonto. Dhacdadani waxay markhaati u tahay in Hubaal la caddaystay in la xidho isla markaana ciddii ku duusha aan waxba loo raacin oo marag-ma-doon ah.

 

Xukuumaddu waxba ma ay yeelin Hubaal. Qaranka, Madaxweynaha, Madaxtooyada, Xukuumadda, dalkan iyo dadkan ayay dhacdadani ceeb ku tahay. Guulihii Somaliland u suntanaa ayay kala dhantaalaysaa. Dhacdadani waa mid aynaan u daban. Xaqiiqadu waxay tahay in aanay Hubaal xidhnaanayn, ceebtana nin lihi qaadayo.

 

Aan ku soo xidho Qormadaydan kooban:

“Dhiirrashaa hubku ahaa,

Dhaadashaa hanku ahaa,

Marka dhabi dhabteed tahay,

Dhidar wayska tegi jiray,”

 

Dhammaad.