Xukuumada Somaliland Oo Xayirtay Wargeyska Hubaal

0
98

imagesHargeys (Waaheen) Xukuumada Somaliland ayaa maxkamad ka dalbatay in la xayiro Wargeyska Hubaal kaasoo baahiyey warar ku saabsan Wafti dibla maasiyiin iyo saraakiil Milatari oo masaari ah inay la kulmeen madaxweyne siilaanyo sida goor dhawayd laga baahiyey idaacda Dawlada, Waxa ay maxkamada Gobolka Hargeysi xayirtay Wargeyska Hubaal kadib markii uu xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku sidaasi ka cod saday.

Dhawaan wargeyska Hubaal Waxaa weraray askari ka tirsanaa booliska Somaliland kaasi oo wariyeyaasha ka hawl galaa ay qabteen ka dib markii ay fashiliyeen, ilaa hada ma jirto talaabo ay xukuumada ka qaaday askarigaasi oo xidhan.