maqaal: baaq reer togdheer ciyaaraha‏

0
24

qor3Waa in Gobolkan Togdheer sumcadiisii Ciyaareed ee hoos looi dhigay dadka Caqliga wanaagsan leh ee reer burco ay dib u baabulaan
Mujaahid Faarax Xuseen maxamed(Faarax Gacan)
Gobolkan nasiib sanadkan Nasiibdaro ayaa ku dhacday oo ku habsatay aan hore uga dhicin intii Ingiriis ka talinayay intii Dawladii Somaaliya iyo waliba intii dawladan Somaliland ka talinaysay,waxaan aaminsanahay in ay arintan dad Mucaaridad ug danlihi ay sidan u adeegsadeen nimankaas uun baa tiimkii ciyaartoyda ah dhex galay, waana in kuwaa iska hor keenay ay dawladu wax ka qabataa,Gobalkanina waa magaala madaxdii labaad ee wadankan Somaaliland oo taariikh badan bay leedahay,waa meeshii ingiriiska lagaga kacay ee dawladii somaliya laga riday ee Calankan somaliland lagaga dhawaaqay,waa meeshii xisbigan iminka dadka haysta uu guulaha ugu waawayn ka helay ee uu waliba Madaxwaynaha dalku Axmed Maxamuud kasoo jeedo.
waxaan ku baaqayaa Guul darada maanta Ciyaar toydii ku dacday maanta dadka reer Burco hayska nasiibsadaan wixii danbena waxaan leeyahay dadka wadaniyiinta reer Burco inay abaabul danbe sameeyaan oo kubadu waa xirfade qolo maaha nin jeclaysina maaha ee meesha kaliya ee lagu xulanayaa waa inay noqotaa  garoomada.kuwaa iminka la xidhxidhayna waa in la ciqabaa oo aan la soo dayn iyaga iyo kuwii iska hor keenayna waa in dawladu wax ka qabataa,waa in gobalkan togdheer Sumcadiisii ciyaareed ee hoos loo dhigay dadka caqliaga wanaagsan leh ee  reer burco ay dib u abaabulaan oo hogaan wacan ee hogaaminkara tiimka ciyaartoyda ah loo dhhiibaa gobolkan,cid kastoo aqoon u leh ciyaaraana wa inay arintan ka qayb qaadataa,waxaa kale oo aan leeyahay wasiirku isaga oo miidhiyaha noo soo mariyay waan xaliyay waa taas dhibaatadu iyo guul daradu dhacday waana wasiirka shaqadiisiiye dhibaatadu waa halkay ka timi.

Axmed

Axmedmm9@hotmail.com