Itoobiya iyo Somaliland oo dib u Yagleelaya Iskaashigii Milatari ee u dhaxeeyay

0
60

Raysal Wasaara Itoobiya oo kaga dhabaynaya balantii uu qaaday iyo Dufcado Ciidanka Somaliland ah oo tababar u baxaya
somalilandHargeysa(Waaheen) wadahadal dib loogu soo noolaynayo Xidhiidhkii Milatari ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya ayaa u furmay Saraakiisha labada dhinac, iyadoo dhawaan ay Dalka Itoobiya u baxeen Taliyaha Ciidanka Qaranka Somalailand Sareeyo Gaas Ismaaciil Shaqale iyo Saraakiil kale.
Soo noolaynta Xidhiidhkii Milatari ee labada Dal oo in muddo ah hakad ku jiray ayaa u muuqda in uu dabada ku hayo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo Milatari ee Mandaqada ka aloosan kaasoo ka dhashay xurgufta Dawladda Itoobiya iyo Masar ku dhex maraya Biyaha Webiga Nile-ka.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo faaleeya arrimaha Milatariga ayaa Waaheen u sheegay in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland socdaalka uu Itoobiya ku tagay la xidhiidho sidii dufcado ka tirsan Ciidanka loogu diri lahaa Dalka Itoobiya, taasoo Somaliland ka caawin jirtay dhinaca Tababarada.
Saraakiil badan oo Ciidanka qaranka ah ayaa ka soo qalin jabiyay kuliyadaha sare ee Ciidamadda Dalka Itoobiya, kuwaasoo wax weyn ku kordhiyay dhismaha Ciidanka ay Somaliland ku faanto.
Ilo wareedkaasi waxa uu Waaheen u sheegay sababaha Ciidanka loogu dirayo Itoobiya in ay ka mid tahay sidii saraakiisha Ciidanka Qaranka ee darajada la siinayo aqoontooda kor loogu soo qaadi lahaa isla markaana ay u noqon lahaayeen kuwo qaata culuunta kala duwan ee heer Kuliyadeed.
Sidoo kale, xidhiidhka cusub ee ay Somaliland iyo Itoobiya dib u unkayaan ayay ilo dublmaasiyadeed sheegayaan in ay ka dhalatay dhawaaqii Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam dhawaan kaga dhawaaqay Baarlamaanka Dalkiisa ee uu ku sheegay in uu difaacayo Somaliland haddii la siku dayo in la weeraro.
Faaqidayaasha Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya Hadalaka Raysal wasaaruhu in uu xidhiidh la lahaa khilaafka Dalkiisa iyo Masar ku dhex maraya Biyaha Nile-ka, kaasoo ay xaraaradiisa dublamaasiyadeed qarka u saaran tahay in ay isku bedesho gacan ka hadal sida ka soo yeedhaysa masuuliyiinta Dalka Masar.
Maqaal uu wargeyska Oilprice ku qoray Guddoomiyaha Ururka Faaqidaada Caalamiga ah Grogery R. Copley ayuu kaga faalooday saamaynta siyaasadeed ee Biyaha Nile-ku ku yeelan karo Mandaqada, isagoo si gaar ah u taabtay dedaalka Masar ku taageerayso dawladda Somaliya oo u dhuranayay in lagu caraqaladeeyo wadiiqo kasta oo ay Itoobiya Marin ka hesho sida Dekedda Berbera ee Somaliland, taasoo ay Masar doonayso Somaliya in ay xoog ku qabsato.
Warbixinta Grogery qoray marka laga shiidaal qaato Dawladda Itoobiya waxay gashay qorshe ka soo horjeeda ka Masar, waxaanay qaaday in ay soo ceshato xidhiidhkii Milatari ee ay Somaliland la lahayd ka hor intii uu xisbiga Kulmiye talada qabsaday, kaasoo gaabis ahaa waayadan danbe.
Ilaa hada lama oga wadahadalka Milatari ee Somaliland iyo Itboobiya u socda inta ay qotadiisu leegtahay hase yeeshee Raisal Wasaare Hailamariam waxa uu ka sheegay dhawaan Baarlamaanka Itoobiya in xidhiidho kala duwan u socdaan labada Dal isagoo xusay in wefti Itoobiyaan ahi Hargeysa ugu sugan yihiin hawlahaas, kuwo kalana la filayo in dhawaan Itoobiya lagu yeesho.
Si kasta ha ahaatee khilaafka Siyaasadeed ee Itoobiya iyo Masara waxa uu u muuqdaa mid fursad siinaya labada dhinacba gaar ahaan Somaliland oo ay furre u noqon doonto Itoobiya in ay ka hesho taageero intii hor ka badan ama mid Aqoonsi, Laakiin waxa ay ku xidhnaan doontaa sida ay uga faa’iidaysato.