Taliye, Cismaan Awr liqe hadaad ku xidhay ciidan buu hor istaagay, maxaad………

0
88


Taliye, Cismaan Awr liqe hadaad ku xidhay ciidan buu hor istaagay, maxaad ka damacday Askarigii weeraray  Hubaal: 
C/raxmaan C/laahi Isbatoore

fadalTaliyaha Ciidanka Somaliland ayaa si aan saafanayn uga jawaabay su’aal laga weydiiyay Cismaan Awr Liqe oo ay gurigiisa ugu daateen Askar ka tirsan Ciidanka aya Reer Galbeedku maal galiyaan ee loo yaqaano RRU kuwaasoo loogu talo galay in ay Argagixisada la dagaalamaan balse u muuqda in loo carbiyay cabudhinta muwaadiniinta haday tahay kuwo guryahooda Hurda iyo haday tahay kuwo sifo sharci ah u bandhigaya cabashooyinka ay qabaan.

Halka Ciidankii Booliiska Somaliland ee ay xukuumaddu qoratay eek a soo unkamay hubka dhigistii beelaha markii Somaliland Xorrnimadeeda la soo noqotay qaarkood si badheedh ah shacbiga Somaliland ugu weerarayaaan iyadoo aanay ilaa hada Xukuumaddii ku dhisnayd Cashuurtoodu aanay talaabo ka qaadin.

Isma laha Taliye Fadal hadalada ka soo baxaya ee uu midna kaga muquuranayo xilkii saarnaa ee uu qaranka u hayay, midna uu ku dhiiranayo cabudhintooda, iyadoo hal hayska Booliiska lagu sifeeyaa ahaan jiray “Waa Saaxiibka Bulshada” laakiin hada u muuqda Cadawga Ummadda marka maalin iyo Habeenba la arkayo dad shicib ah oo halkii ay Ciidankooda kaga seexan lahaayeen ka war warsan soo dhicitaankooda iyo Foos garayntooda “ciidanku waa ka lagu seexdo ee maaha ka laga saso sidii Faqshtii”.

Hore Fadal Askarigii weeraray Wargeyska Hubaal ee sida Wadaninamada leh ay ugu dhiibeen markii ay fashiliyeen dhagartii uu ula socday waxa uu u yidhi sharcigaan horkeenayaa ilaa hadana lagama hayo, Cismaan Awr Liqe oo caruurtiisii la hurday oo saq dhex loo dhacayna waxa uu ku  Eedaynayaa Is hortaag Ciidan buu sameeyay.

Labadan dhacdo waxay muujinayaan in Taliye Fadal sharciga kolba sida uu doono uu u dhigo. Waxaan Maqli jiray “Booliis hadaad is qabataan qoddob uu ku qabad siiyo ma waayo”, waxay I xasuusisay Madaxda Booliiskeenu in ay wali qabaan ama aaminsan yihiin xeerarkii quruumihii Xukuumadihii Macangaga ahaan jiray u adeegsan jireen, halka manta Dunida Casriga ahi marayso waajibka saarani in ay tahay ilaalinta sharafta Muwaadinka, halka Diinta Islaamu xaaraantinimaysay in qofka lagu dhibo Maalkiisa, Noloshiisa iyo Hoygiisaba.

Ciidanka RRU-da ee Cismaan Awr liqe iyo qayrkii lagu cabudhinayo inkasta oo ay yihiin Inamadeenii hadana waxa maal geliya oo adeegsada Dawladdaha Shisheeyaha ee Dalka  degan kuwaasoo ugu talo galay in ay kaga gaashaantaan ama ku weeraraan kooxaha ay u yaqaanaan Argagixisada, waxay siiyaan Saanad, Tababar iyo Dhaqaale ay ku kaaftoomaan, waxaana lacagahaasi ay ku tilmaamaan muwaadiniinta Dalalka laga soo ururiyay oo ay ku faanaan Cashuur bixiyayaal in ay yihiin oo lagu Ixtiraamaa.

Halka Ciidanka Booliiska Soamliland ee kale ee Taliye Fadal masuulka ka yahay Cashuurta oo muwaadiniinta ka qaado aanay ku hagar bixin oo ay ka aradan yihiin isla marakaana aanay  bulshada si fiican ugu adeegin sida Askarigii Hubaal weeraray oo kale oo ay ahayd Fadal in aanu dugsan ciidanka kale ee nadiifata ahaina aanay ku dayane sharciga si dhakhso ah u hor keeno sidii uu Baarlamaanka iyo Bulshada horteeda ugaga balanqaaday.

Manta meelaha qaarkood Dadka cashuur bixiyayaasha Somalilanderka ahi ma haystaan Ciidan Booliis oo deegaamo badan oo boqolaal qoys degan yihiin ayaan lahayn Rugo danbiilaha lagu xidho ama laga ilaaliyo, halka aynu ognahay Askariga Booliiska ah ee jooga magaalooyinku in ay ku nool yihiin duruufo kala duwan oo aan u saamaxayn Aqoon ahaan, Saanad ahaan iyo dhaqaale ahaanba inuu ka dhawrsonaado gacan hoorsi uu kula soo noqdo bulshada uu adeegaha u yahay ee cashuurta laga qaado al siiyo.

Dhacdada xuska iyo xusuusta lihi waxay tahay marka laga tago aasaaskii CiIdankeena ama Boolsii ha ahaado ama Milatariye in Qoriga uu dalka ku difaaco Reerkoodii kala yimi illaa hadan wali sidii loogu xidho marka ay Xukuumaddu qaadanayso, Xaaska Cismaan Awr liqaha ay RRU-du xidhay ayaa Wariyayaal ku booqday gurigeeda u sheegtay Cismaan Awrliqe Qorigiisii uu dalka ku xorreeyay in uu Walaalkeed ku qarameeyay, ka imika guriga laga qaatayna Adeerkii uu Ergiso ahaan ugu keenay oo ay aaiyadu gacanta ku haysay markii Ciidanku guriga u soo daateen ee haddii Cismaan hayn lahaa Khasaare halkaas ka dhici lahaa, halka uu kaga meeraysanayay taliye Fadal markii xadhigiisa la weydiiyay qaabkii ay u mareen in si ka haboon loo maarayn kari lahaa Is hortaag buu sameeyay.

Guntii iyo gabogabadii Taliye Fadal waxaan u soo jeedin lahaa Cismaaan Awr liqe iyo intaad u daatayba sharciga horkeen haddii aad danbi ku haysato, Askarigii Hubaal Weeraray ee aan RRU iyo SPU midna loo adeegsan ee laguu dhiibayna sharciga dhakhso u keen.