Tacsi Xisbiga UCID

0
60

tacsi

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

 UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

 

 

Date: 10/06/2013

 

Ujeedo: Tacsi

 

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxweynaha , Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha   Xisbiga UCID waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Sarkaal Sare oo Ka tirsanaa Ciidanka Bilayska  JSL oo Hawlaha Tababarada iyo dib u dhiska Ciidanka Bilayska mudo  dheer u qaabilsanaa kana mid ahaa Saraakiishii Seeska u dhigay dib u dhiska Ciidanka Booliska Marxuum Maxamed Siciid Xandule (Boolbool) oo Saaka  Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

 

Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu Marxuumka ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalanad-na samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

 

 

Aamiin                                     Aamiin                                      Aamiin

 

 

 

 

Gudoomiyaha Ololaha ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID

Dr, Jaamac Axmed Saalax