Jaaliyadda Kanada oo lacag ugu deeqday Dawga-cad

0
47

Hargeysa(Waaheen) Jaaliyadda Kanada ee Reer Somaliland ayaa ugu deeqday Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Hargeysa lacag dhan $5900 (shan kun iyo sagaal boqol oo Dollar.

dolarC/qaadir Xaashi Cilmi oo ka mid ah Guddida Dawga-cad oo waaheen uga waramay Deeqda ay Jaaliyaddu soo gaadhsiisay ayaa sheegay in ay uga mahadnaqayaan jaaliayadda mucaawinadaas ay soo gaadhsiiyeen.

“ waxaanu u mahadnaqaynaa Jaaliyadda Reer Somaliland ee Kanada oo na soo gaadhsiisay shan kun iyo sagaal boqol oo Dollar. Lacagtaas waxa na soo gaadhsiiyay oo ay soo mariyeen Cabdi Xuseen Ciise oo degan Kanada, hadaanu nahay guddida waxaanu leenahay way na soo gaadhay illaahay ha idinka abaal mariyo” ayuu yidhi C/qaadir Xaashi Cilmi

Jidka Dawga-cad oo ka mid ah  mashaariicda Dibu-dhiska eek a socda Soamliland ayaa shalay la dhagax dhigay Afar Kiilomitir oo ay lab aka mid ah Xukuumaddu ugu deeqday, halka Maxamed Aw Siciid iyo Indha birtuna ay ugu deeqaan min Hal Kiiloomitir.

Jidka Dawga Cad oo baahi weyn dadweynuhu u qabeen isla markaana wax ka tari doona isku socodka Jabuuti iyo Somaliland ayaa la xidhay ilaa inta uu ka dhamaanayo.