Shaqaalihii Wasiiraddu Qabyaalada Ku Qaybsadeen iyo Fadeexada Ka Dhalatay.

0
181

qor5Oo uu Horseed u ahaa Wasiirka Duulistu

dhacdo ku cusub somaliland ayay ku kaceen golaha wasiirada ee xukuumada siilaanyo,todobaadkan ayay ahayd markii golaha wasiirada somaliland isku raaceen inay shaqaale tiro badan oo bilaa imtixaan ah ay xukuumadu qaadato isla amrkaana wasiir kastaa oo reerka uu ka soo jeedo u soo xulo shaqaalaha beeshooda iyada oo ay wasiiradu ku qaybsadeen shaqaalahaasi hab beeleed, hadaba inkasta oo ay wanaagsan tahay inay xukuumadu shaqaale qaadato hadana habkan ay u qaadatay ayaa ah hab beeleed cadaalada ka fog waayo waxaa dhacday in wasiirkii u xilsaarnaa qorista shaqaalahaasi uu reerkoodi u badiyay.

hadaba aynu halkan ku xusno saamiga ay beelaha reer somaliland u kala heleen shaqaalahaasi lagu qaatay hab beeleedka waxayna kala ahaayeen sidan

1: beesha habar jeclo waxay heshay 49 shaqaale

2: beesha habar yoonis waxay heshay 31 shaqaale

3: beesha Sacad Muuse waxay heshay 29 shaqaale

4: beesha dhulbahante waxay heshay 28 shaqaale

5: beesha samaroon waxay heshay 28 shaqaale

6: beesha Arab waxay heshay 25 shaqaale

7: beesha Ciise Muuse waxay heshay 15 shaqaale

8: beesha Ayuub waxay heshay 15 shaqaale

hadaba marka aad eegto qaabka loo qaybsatay shaqaalaha cusub ee bilaa imtixaanka ah waxaa ka uuqata sida beesha madaxweyne siilaanyo ay u sadbursatay, iyada oo cadaaaldaradaa halkaasi ka dhacday uu horseed ka ahaa wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaga xukuumadu u wakiilatay in uu qoro shaqaalhaasi bilaa imtixaanka ah, inkasta oo lagu yaqaano wasiirka duulista maxamuud xaashi in uu yahay nin ay qabyaaladu ku weyntahay oo dadka ku tix-geliya qabyaalada iyo reernimada oo had iyo jeer waxa la sheegay in wasiirkaasi qabyaalad awgeed uu badani shaqaalaha wasaaradiisa uu ka dhigay beeshooda taasi oo ah wax laga xishoodo oo fool xun balse taariikhda ayaa qori doonta mumadii uu siilaanyo xilka uga hadhayna waxaa ka hadhay fadlan kor u tiri maalmaha u hadhay siilaanyo.

hadaba akhristayaal waxaa xusid mudan inay jireen wasiir aan isaga xukuumadu kala dhici weyday inay tidhaahdo soo xul shaqaalaha reerkiina ee lagu shaqaalaysiinayo hab beeleedka wasiirkaasina wuxuu ahaa Wasiirka Wasaarada Qorshenta iyo horuamrinta qaranka Dr Sacad Cali Shire.

hadaba waxaa muhiim ah in wax garadka iyo xisbiyada somaliland ka hadlaan qaabkan fosha xun ee shaqaalaha tirada badan loo qaatay iyo sadbursiimada beesha siilaanyo.

Qalinkii:Cumar Jaamac C/raxmaan

Hargeysa/Somaliland