21 Ganacsi oo Loo Ogolaaday Deeqaha Waawayn

0
88

 

Somaliland Business SHIR JARAA’ID –

21Ganacsi oo Loo Ogolaaday Deeqaha Waawayn

Maalgashiga Ganacsiga Somaliland (MGS)oo shaacisay mashaariicdii ku guulaysatay deeqihii waawaynaa ee Wareegii 1aad. MGS waxay bixinaysaa deeqo dhan 2.5 milyan oo dollar oo lasiinayo 21 mashruuc oo ka tirsanaa 43kii codsi ee hore loo xushay. Deeqahani waxay dhalinayaan abaabul maalgashi oo cusub oo gaadhaya $6.4 milyan. Maalgashigani wuxuu abuurayaa shaqooyin cusub oo ka badan 600 oo in ka badan saddex-meeloodow-meel ay noqondoonaan dumar, 15% ay noqonayaan dhalinyaro. 40% deeqaha la bixiyay, waxay ka hirgalayaan gobolada ka baxasan Hargeisa.

 

Marka la isku soo duubo, 59 deeqaha yar-yar ah iyo 21 deeqaha waawayn oo gaadhaya $4.6m ayaa la bixiyay. Wadarta saamaynta guud ee laga filayo deeqha yar-yar iyo kuwa waawayn waa sidan:

 

  • Wadarta guud ee maalgashiga loo hayaa waxay noqonaysa $9.5m ( marka lagu daro deeqaha la bixiyay);
  • Shaqooyinka cusub ee la filayo inay abuuraan oo ka badan 1,200;
  • 40% deeqaha la bixiyay waxa la siiyay mashaariic ku salaysan meelaha ka baxsan Hargeisa
  • In ka badan saddex-meeloodow-meel ee shaqooyinka cusub ayaa noqonaya dumar, marka 15% ay noqonayaan dhalinyaro.

 

Mashaariicda 21 ah ee deeqaha waawayni way kala gadisan yihiin waxaana ku jira:

 

  • Beeraha- beerida iyo soo saarida sonkorta, beerida sisinta iyo soosaarida saliida sinsinta;
  • Xoolaha- naaxinta xoolaha, warshadaynta hargaha, dhaqida digaaga iyo maamul wanaajinta iyo horumarinta saylada xoolaha ee Hargeisa;
  • Tamarta- Aasaasida rugata tababarka ee dib-u-cusboonaysiinta tamarta, Ansixinta iyo hawlaha dayactirida, Rakibida Qalabka tamarta dabaysha, dhalinta tamarta qoraxda;
  • energy – establishing a renewable energy center for training, certification & repair work, installation of wind turbines, providing solar generated electricity
  • Kaluumaysiga–Dayactirida warshadaynta kaluunka, Qaboojiyayaasha, Warshadaynta kaluunka
  • Xabkaha iyo Beeyada – Horumarinta beeyada si loogu dhhoofiyo dibada
  • Caafimaadka- – Baadhista xanuunada
  • Warshadaynta– Warshadaynta Dalaga/cuntada beeraha, Tolida iyo Fisilaada dharka
  • Adeega– Iskudubaridida Xafladaha

Mashaariicda ay waaxda maamulka maalgashigu (FMU) u xuleen inay helaan deeqaha waxaa dib u eegis ku sameeyay Guddida La tashiga Deeqaha. Guddida La Tashiga Deequhu waxay ka kooban tahay xubnahan hoos ku qoran:

 

 

 

Dr Saad Ali Shire (GAP Chair)

Wasiirka Qorshaynta

Mr. AbdirazakKhalif Ahmed (Vice-Chair)

Wasiirka Ganacsiga

DR. Abdi Aw Dahir

Wasiirka Xoolaha

Prof. Farah Elmi

Wasiirka Beeraha

Dr. Saeed Ahmed Hassan

Gudoomiyaha Jaamicada Golis

Ms. Fozia Mohamed

CEO, SLNMA

Ms NafisaYussuf

Ururka Nagad

 

Ujeedada Maal-galinta Ganacsiga Soomaaliland waa in la abaabulo hal-abuurnimada iyo ilaha dhaqaale ee ganacsatada si loo kobciyo heerarka dakhliga, shacabka Somalilandna loo abuuro shaqooyin cusub. Maalgalintani waxay ganac-satada ku caawinaysaa inay kor u qaadaan ganacsigooda oo ay casriyeeyaan, si kala gadisan u fidiyaan badeecadahooda, hagaajiyaan waxsoosaarkooda oo ay casriyayaan ama ay ka shaqeeyaan salyado cusub.

 

Mashaariicda waxa lagu qiimaynayaa iyadoo la eegayo khibrada iyo heelanaanta codsadaha, suuragalka fikirka gancsi ee codsadaha iyo dhalinta natiijooyin horumar leh. Maaligalintani waxay raadinaysaa codsade/-yaal muujin kara aqoon maamul iyo awood dhaqaale, iyo wiliba la socod sayladeed iyo sumcad si ay ugu guulaystaan ganacsigooda.

 

Maalgashiga Ganicsiga Soomaaliland (MGS) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamij  uu world banku maamulo “’Private Sector Re-Engagement Program Phase II””oo lagu taageerayo horumarinta shirkadaha geancsi ee Soomaaliland. Barnaamijka waxaa maalgaliyay Bangiga Aduunka oo ay taageero laxaad lehka gaysteen  (DANIDA), (DfID),  and the State and Peace-building Fund (SPF) ee Bangiga Aduunka

 

.MGS waxay diyaarinaysaa ambaqaadidii Wareegii 2aad ee deeqaha waawayn iyo kuwa yar-yarba.  Codsiyadu waxay furmayaan 21ka bisha June waxaanay xidhmaysaa qabashada codsiyada hore (Concept note) 17:00 pm ee maalinta Sabtida, 10 ka bisha August 2013. Muddadaasi waxay MGS  qaban doonaan kulamo ay ku bixinayaan macluumaad khuseeya tartanka wareega 2aad. Waxaad macluumaad dheeraad ah iyo sharaxaad ku saabsan sida loo codsanayo maalgalinta ka helaysaa Websiteka MGS: www.somaililandbusinessfund.com

 

hos