Sheeko Kale Keen: Hogaan Keliya

0
70

sheeko kale keenSheeko Kale Keen: Hogaan Keliya

Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Shirkad Jabaan ah iyo shirkad Maraykan ah ayaa ku heshiiyay in ay ku tartamaan laba huudhi oo la dhex marinayo webi. Shirkad weliba koox ayay u soo soocday tartannkii; tababar weyn way siisay intii aanu tartanku bilaabmin.

Tartankii ayaa bilaabmay; waxaana badisay kooxdii shirkadda Jabaanka.

Shirkaddii Maraykanka ahayd aad bay ugu xumaatay khasaarahaa ku dhacay kooxdeedii; waxanay go’aansatay in baadhitaan lagu sameeyo sabata looga badiyay.

Guddi ka kooban maamulkii sare ee shirkadda ayaa baadhitaankii loo saaray.

Guddidi markay baadhitaankii dhamaysay warbixin bay soo gudbiyeen.

Warbixintii waxay ku muujiyeen in huudhigii Jabaanka iyo huudhigii Maraykanka laba hab oo kala duwaan loo waday. Huudiga Jabaanka waxa ku joogay sideed wade iyo hal hogaan; ka Maraykanna waxa ku joogay sideed hogaan iyo hal wade!!!