Burco:Ururka VOSOMWO oo naafada ka wacyi galiyey HIV/AIDS-ka.

0
77

DSC05869Burco (Waaheen)Ururka Haweenka dadka laga tirada badan ee VOSOMWO ayaa maanta  kulan wacyi galineed oo ku saabsan sidii looga feejignaan lahaa Cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS ugu qabtay Hotel Golis ee magaada Burco qaar ka mid ah naafada kala gedisan.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Ururka Vosomwo isla markaana ay maal galinsay Abilis Foundation Finland ayaa waxa furitaankii kulankaas ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka togdheer Maxamed Maxamud Yuusuf (Ubaxle) oo dadka naafada ah ku booriyay in aanay nolsha ka dhicin isla markaana ay iska ilaalilyaan dhibaatada uu leeyahay Cudurka Aids ka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:-
Waxaan leeyahay qofka Bulshada ka midka ahi dhaawac wuu ku dhici karaa oo xubin ama meel jidhkiisa ka mid ah wuu waayikaraa,laakiin maaha marka uu qofku naafo noqdo inuu ka hadho nolosha oo gidaar fadhiisto ee waa inuu ogaadaa inuu bulshada la meeqaam yahay oo la miisaan yahay ee ha mooraal jabina oo  xaga hoose iyo aqoonta ka disma hadii aad tihiin kuwa la hayb sooco iyo kuwiina naafada ahba sidii ay idiinaka soo bixilahaayeen dad aqoonleh oo dhakhaatiir leh oo hogaamiyihii leh.waxaan ugu baaqayaa Bulshada kale iyo kuwa naafada ahba ugu baaqayaa inaty ka feejig naadaan Cudurka AIDS-ka si taasi ay u suurtawdona aad iska ilaalisaan sinada iyo waxyaabaha xunxun laguna dedaalo sidii aad guursan lahaydeen.

DSC05868
Gudoomiyaha Ururka VOSOMWO Nimco Iid Salaan oo iyana halkaas ka hadashay ayaa iyana waxa hadaleedii ka mid ahaa:ujeedada kulanka waxa uu la mid yahay kulano taxana ah oo sanadkan Gudihiisa aanu ka wadnay guud ahaan dalka Jsl kaas oo aanu u samaynay sidii dadka naafada ah aanu ugu wacyi galinlahayn dhibaatada uu leeyahay Cudurka HIV/AIDS- ku,waad ogtihiin oo dadka naafada ahi waxay aad ugu nugul yihiin inay asiibaan Cuduro badani hadii aanay aqoonteeda lahayn,waxa kale oo aan ka codsanaynaa dadka reer somaliland inay dadka naafada ah il naxariisle ku eegaan waxaana la ogyahay in naafanimadu aanay ahayn mid ku dhacda dad gaara sidoo kale uu yahay cudurkan AIDS- ku  mid aan cid gaara ku asiibin, waxaan aad iyo aad u soo dawaynaynaa cidii kasta ee al saqaysa naafada oo ay ka mid tahay hay,ada Abilis Foundation Finland’ ayay nimco hadalkeeda kaga baxday
Gudoomiayaha Ururka naafada Gobolka Togdheer Baashe C/laahi oo isaguna ugu danbayntii halkaas ka hadlay ayaa isaguna dadka naafada ah kula dardaarmay inay iska ilaaliyaan siyaabaha lagu qaado cudurada dilaaga ah.