Maansada Gaaf-wareeg

0
48

vlcsnap-2013-06-07-21h48m04s95Maansada Gaaf-wareeg iyo Midhaha Nasri Yuusuf Muxumed, By Axmed-Yaasiin C/Raxmaan

Maansadan la magacbaxday gaaf-wareeg waxa tiriyey Abwaan Nasri Yuusuf Muxumed  oo ka mid ah ardayda dugsiga sare ee School Of Tomorrow oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Waa suugaan taabanaysa dhaqanka iyo waddaniyada

Wuxuu yidhi abwaanku sidan;

 

dunidan guudkeeda joogno

markuu Guulluhu abuuray

gun iyo meel sare kayeelay

markuu gunta ciid ka yeelay

cirkana cad gaw ku siiyey

Allaha gayigoo dhan taagay

markuu geedaha abuuray

Allaha gaydhaha ka beeray

markuu geesiga abuuray

Allaha gaarida ka beeray

 

markuu waa soo guduuto

Allaha gabal dhaca ka yeelay

Allaha gudcurkoo madaw ah

caddada ku gunaanadaya

Allaha gaalkiyo islaamka

dunida guudkeeda keenay

 

Allaha garab garab ka yeelay

kitaabkana guud u siiyey

Allaha garashada ku siiyey

garaadkana kugu abuuray

Allaha guunyada ku siiyey

gaajiyo xumo kaa ilaashay

adduunkiyo goonyihiisa

haddaad gobol gobol u eegto

galbeed iyo bariba gaadho

dagaallada gooni soocay

Allaha samo kugu gargaarshay

gayiga nabad kaaga yeelay

inaad garatood adeecdo

ayuu Alle kaa gayaaye

haddaad garan waydo mooyi

 

waxaasoo kugu gandooda

haddaad dadka wada giriifto

anigu garan maayo xaaji

 

xalay galinkii dambeeto

markaan gami’ waayey ciilka

garaadkaygii la dooday

waxaan xalka gaar u mooday

guntiyo midhihii dhegayso

daruur iyo roobab gaaxday

hadduu casar soo guduuto

hadduu galab kugu fadhiisto

meel aad ka gashana ad waydo

hadduu cidla kugu kugu garaaco

galiilyiyo dhaxan ku saaqdo

haddaad qadhqadhyada gariirto

gadaasha markuu ku dhaafo

gufaaciyo gaydh abuuro

inaad go’ u baahan doonto

ciddaan garanayn yaraa

 

gayaanyahow heedhahaada

haddaan dhaqankii goblamalay

wiil iyo gabadh loo samaynin

anigu garanmaayo xaaji

haddaan raggu geela raacin

haddaanu gaawaha xambaaran

haddaanu laba laba go haysan

hangool iyo gudimo qaadan

haddaanu goobaha cadaawe

gaashaankiyo waranka qaadan

haddii garta loo fadhiisto

haddaan raggu geedka aadin

haddaan xaajada la goynin

haddaan ninka loo golaynin

haddaan faras lagu gardaadin

gamaan iyo leeb lasiinin

haddaan dhaqankaa gumoobay

haddaan loo goba nimaynin

haddaan gabdhihiyo haweenku

haddaanay dhaqankooda goynin

haddaanay garayska iibsan

guntiimiyo macawis qaadan

haddaanay gadaftii shanlaynin

hadddaanay garbahooda dhaafin

haddaanay haamaha godaynin

haddaanay galabtii caraabin

galool iyo maydhax diiran

haddaan kebedd loo golaynin

haddaan gabay loo samaynin

haddaan lagu guusin hawsha

haddaan gaarida haweenka

rabbigu tii guur u siiyo

haddaan galbis loo samaynin

haddaanay gorof madaxa saarin

haddaan gaban loo xambaarin

haddaan guri lagu wareejin

haddaan gaaf loo samaynin

haddaan gumac loo khasaarin

haddaan galab loo ducayn

haddaan xilka gudo la odhanin

anigu garan mayo dhaqankan

dadkii lahaa gawraceen

 

-haddaba xaajadan guracan

-haddana xaajadan gadhka leh

-haddaan googol loo dhigaynin

-haddaan la garwaaqsanaynin

-haddaan geed lala tagaynin

-haddaan odayaal gorfaynin

-gunaadkan xanuunka keenay

-haddaan gacan lagu dhayeynin

-gaf iyo ceeb laga jiraynin

-haddaan dhaqan yohow gobtaada

Gayaankaa kuu hadlaynin

Nasiibkaagaa ku gabaye

 

Markaan guryo noqoshadayda

Garaadka la dooday waayo

Waxaan xalka gaar umooday

Guntiyo midhihii dhagayso

 

Gayigan ummaddii lahayd

Ayaad gacal yohow tihiine

Xornimo waa goosateene

Gumaysina waa nacdeene

Gayigu wuu nabad qabaaye

Haddana gacalyohow bal eega

Dalkani geedkuu lahaa

Guntiisu ballaadhan tahay

Maatidu hadh u gali jireen

Hangool laga goosan jiray

Gudmana daabi jiray

Dawiyo garab noo ahaa

Dabaylaha gawlahiyo

Hadday gabadano jirtana

Geedkii dugsi noo ahaa

Gasiinkana ugu wacnaa

Midhaha laga goosan jiray

Haddaad gacal yohow jarteen

Gudmaha hoos ula dhacdeen

Waliba gurrac ugu jarteen

Gadaalna ka iibiseen

Gaalada nacabka ah barteen

Coomaaddiga garabsateen

Haddaad gabanadad dhasheen

Suugaantiyo gabay bartaan

Haddii goobaha la tago

Xasuusaha dhaxal galka ah

Gaarbaad u ahaan lahayd

Garoocna ku yeelan layd

Gunaanadka xaajadii

Waxay gaba gabadu tahay

Haddaad run ka giigaysaan

Gar waa loo wada islaam.

 

Axmed-Yaasiin C/Raxmaan

ayaasiin55@hotmail.com