Ciyartoyga Tog-dheer oo wasiirka Ciyaraha ku weeraray Mindiyo iyo Budhadh, iyo Ciidanka RRU oo Xabsiga ku guray.

0
87

DSC08720Hargeysa(Waaheen) Xulka Gobolka Tog-dheer ayaa Maanta Duhurkii soo weeraray Wasarada Ciyaraha oo xiligaasi uu ku sugnaa wasiirka Ciyaaruhu, Ciyaartooyagan ayaa waxay ku hubeysnaayeen Budhadh, iyo Mindiyo kuwaasi oo doonayey sidda la sheegay in wasiirka wax yeeleeyan.

Markii Ciyaatooyagu soo gadheen Xarunta wasaarada ayey xoog ku galleen, balse wax markiiba meesha soo gaadhay ciidanka Sidda Gaarka ah u tababaran ee RRU Kuwaasi oo dhaamman Ciyaatooyagiii oo dhan gacanta ku dhigay kadiban jeelka u taxabay.

Xulka Gobolka Tog-dheer ayaa Hore wax uga badiyey Xulka Gobolka Gabiley iyada oo  maanta Ciyaar la laahanlahayeen Xulka Gobolka Sool basle markii ay ka qaybgali wayeen ayaa Gool ku laag loo sameyey.

Xulka Gobolka Tog-dheer ayaa la sheegay intan iyo maalintii laga badiyey uu u dhexeyey Khilaaf keenay in ay Qabyaaladi dhex gasho oo ay labba beellod u kala qaybsameen.

 

yacquub siciid kuuriya

waaheen Desk