Xulka Gobalka saraar oo 3-2 Ku diray Xulka gobalka Sanaag

0
138

mm

Hargaysa(waaheen)-Ciyaar aad u xiisa Badan oo Dhex Martay Gobalada Sanaag Iyo Xulka Gobbalka Saraar ayaa Maanta Ka Dhacday Garoonka Weyn Ee Hargaysa Stadioum Ciyaartani Oo Ahayd Mid Si Weyn U soo jiidatay Tageerayaashii Daweynayay Isla Mar ahaantana Wadatay Xamaasadeeda Ayaa Waxaa ka Soo Qayb Galay Wasiirka Wasaarada Gaashaan Dhiga Ina Cadaani, iyo madax kale

Si kastaba ha haate waxaa ay ciyaartani halfkii u horeysay ku kala nasteen ciyaartooydu 1-o Oo ay ku hogaaminaysay Xulka Gobalka Saraar Iyada oo uu U saxeexay Ciyaar yahanka Rooble, Intaasi ka dib markii laysku soo noqday loox waliba ay la soo tashatay taba baraheeda ayaa waxaa xulka Gobalka Sanaag Ay Dhalisay Gool Ay diideen Garsoorayaashaa Kaasi Oo lagu Tilmaamy Offside, isala Daqiiqado yar kadib waxaa Goolkeedi labaad la timid Xulka Gobalka saraar oo uu u saxeexay isala Rooble

Waxaay sidaasi ahaataba waxaa ciyaarta badalay Xulka gobalka Sanaag oo keenay Dar-dar iyo Dhiiri Galin Ciyaartooy Iyada oo Xulka Gobalka Sanaag Ay keeneen Goolkoodi Kobaad Oo Ahaa Xanaaqad Lagu laagayay, kaasi oo ay u suuro gashay inay hantaan goolkoodi Koowaad, waxyar kadib ayaa xulka Gobalka Saraar Uu keenay isla Goolkii saddexaad ee loo yaqaano Quus go’aynta,

Gaba gabadii ciyaarta ayaa xulka gobalka sanaag waxaa u suuro galay goolkoodi labaad iyada oo sidaasina ay guushu ku raacday Xulka Gobalka Saraar

 

Yacquub siciid kuuriya DSC08548