Xuska Maalinta Aabihii waxbarashada Somaliland

0
105

waxbarBurco(Waaheen) Xaflad lagu Xusuyay Aabihii waxbarashada Maxmuud Axmed Cali oo loo asteeyay Maalinta shanta bisha lixaad ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka Jaamacada Burco.Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Sln Xirsi Cali  X,Xasan,Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Khadar Axmed  Diiriye,Madaxda Gobolka,Ta Degmada,Salaadiin,Abwaano iyo waxgarad kale.

Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan ayaa ugu horayn halkaas ka hadlay waxaanu yidh;-
Waxaan leeyahay Maxamuud Axmed Cali waxa uu leeyahay taariikh aad u mug wayn waxa uu mutaystay inuu noqdo aabihii Tacliinta dadka afka Soomaaliga ku hadla kuna suntanaado,inagana waxa uu inooga baahanyahay inaynaan ilaawin ee xusno una ducayno wixii uu ka tagay ee ahayd tacliintana aynu suurta galino oo aynu is waydiino halkay dhexdeena ka joogtaa daxalkiisuna waxa uu yahay inuu dadka jahliga ka saar,dhaxalkiisiina waxaynu ka haynaa tacliin meel durugsan gaadhay,laakiin ujeedadiisii lama gaadhin waayo ragii uu wax baray ee baarlamaanadii hore ahaa laguma dooran qabyaalad, maantana waad ogaydeen doorashadii inoogu danbayasay waxa xagtin iyo dhibaato inaga soo gaadhay,markaas ma dadku markii uu tacliintii bartay ayuu dib u guuray,Qabyaalada waynu naqaanaa waxa loo haystaa in hadii uu wax dilo iyo haday dhibaato gaadho reerku u soo gurmado laakiin waa in aqoonta iyo ilbaxnimada lagaga xoroobo,waynagaa maantana cudurka dilaaga ah ee koobaad  ina haysta waa qabyaalada,waxa xusid mudan waxan kula kulmay dibada nin bhd ah oo aad u xanaaqsan oo igala hadlayay maqwduuc qabyaaladeed ee lookal ah odayaashii halka joogay iyo ninkaas waxaa garaad fiicnaa kuwii halkan joogay.
Wasiir Xirsi isagoo ka hadlay wadaada ood wayne iyo burco u daxaysa waxa uu yidhi; waxaan leeyahay wax wada qabsada oo is kaashada, reer burcona waxa looga baahanyahay gaadiidkii waa nasiib daro in cagafyadii burco lahaydna laga kireeyo wadada khadar ambasator iyo Cumar caydiid  reer hargaysa iyo reer jabuuti ahina ay min hal kiiloo kiti bixiyaan.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada khadar Axmed Diiriye oo isaguna ku dheeraaday qiimaa ay wax barashadu leedahay iyo wax yaabaha wasaarada wax barashada u qorshaysan,waxaanu Agaasimuhu bulshada reer somaaliland ugu baaqay inay dhalinta wax baraan oo ay si aynu jaliga uga fogaano ayna suurta gal u noqoto ujeedadii haldoorkii tacliintu.
waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Abwaan hadraawi,Prf-Saleebaan Dirir,Suldaan Maxamuud Guuleed,Hure walanwal iyo Jaamac cashuur oo damaan tood ka sheekeeyay taariikhdii Maxamuud Axmed Cali iyo waayihii ay waxbarashadu soo martay waxaanay dhamaantood Bulshada reer Somaalilaan ugu baaqeen inay qabyaalada ka dheeraadaan.