Madaxweyne Siilaanyo iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo kulmay

0
195

axHargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa habeen hore kulan casho sharaf ah ku qaabilay Professor Axmed Ismaaciil Samatar, oo uu hore ugu mart-qaaday in uu Somaliland yimaado.

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda lama oga waxyaabaha ay kaga wadahadleen labada dhinac hase yeeshee waxa uu kulankaasi ahaa sida uu Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigu Waaheen u xaqiijiyay mid furan oo ay Labada Oday ku wehelinayeen wasiiro door ahi.
Hase yeeshee dareenada dadka kulankaasi u dhuun daloolaa ka bixinayeen iyo booqashada Axmed Ismaaciil Samatar labadaba waxa ay ala xidhiidhinayaan Arrimo siyaasadeed oo ka soo fulaya dhinaca Xukuumadda, kuwaasoo ay dano gaar ahaa kaga fushanayso Professor ka xiligan.
Ma cada ujeedooyinka ay labada dhinac wadaagi doonaan, hase yeeshee soo dhaweyntii ay Reer Boorama shalay ku qaabileen iyo kuwii ka horeeyay ee Hargeysa, Gabilay iyo Berbera intuba waxa ay muujinayaan in ay Xukuumaddu si niyad ah uga qayb qaadatay soo dhaweyntiisa taas bedelkeedana ay rajaynayso in uu farriimo ay leedahay gudbin doono inta uu tabliiqa ku jiro.
Illaa hada ma cada danaha ay xukuumaddu ka heli doonto Professorka hase yeeshee arrimaha la naawilayo waxa ugu horaysa in ay u fuliso Gobolka Awdal Cadaaladda uu Axmed Ismaaciil Samatar ku cel celinayo in ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku dhaqdo, taas oo ay dad badani u fasirteen in Saami muuqda beelaha darafyada laga siiyo Dawladda.
Haddii cadaaladda noocaas ah Professor Axmed ka helo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa Hubaal ah in ay hirgeli doonto siyaasadda uu faraqa ku haysto ee ah in Somaliya si uun loola gor gortamo marka ay Beelaha Somaliland ku heshiiyaan waxa dhexdooda yaala oo ah ta uu Axmed Ismaaciil u arko in ay ugu mudan tahay in Cadaaladd loo helo tabashada beelaha qaarkood.
Si kasta ha ahaatee ilo wareedyada u kuur galay kulankaasi ayaa Waaheen u bildhaamiyay Madaxweyne Siilaanyo in ay ku weyn tahay xalinta tabasahada Beesha Gobolka Awdal, taas oo uu u arko in ay difaac weyn uga noqon doonto mucaaradada ku kacsan.