Beel diiday in sahan shiidaal laga sameeyo Gobolka Saraar

0
119

beelBurco(Waaheen) Madax- dhaqameedka iyo odayasaasha beersha reer Yoonis oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada burco ayaa sheegay in shirkada Genel Energy ka baxday heshiis ka kooban todoba qodob oo beesha iyo shirkada hore isula gaadheen balse shirkada Genel Energy shalay baahisay qandaraasyada biyaha,shidaalka,cuntada iyo adeegyo kale oo ay hore ugu balanqaadey inay siinayso dadka degaanka sahanka shidaalka laga wado ama Reer Caynaba.

Madax dhaqameedka Beesha reer Yoonis ayaa cod gaaban iyo mid dheerba ku sheegay inay qaadaceen sahanka iyo baadhista shidaalka ee Genel Energy raajicinayso inay ka bilowdo degaanka Caynaba,waxayna baaq iyo digniin u direen qolyaha dilaaliinta iyo gadhwadeenka ka ah shirkada Genel Energy.
Afhayeenka beesha reer Yoonis Mahad maxamed Cawaale ayaa sheegay inay Shirkada Genel Energy u gudbiyeen waraaq ay ku qoran yihiin tabashooyin, shirkaduna balanqaadey inay wax kala qabanayso hase yeeshee wuxuu sheegay inay maanta uun ka war heleen in shirkadu naadisay in loo tartamayo qandaraasyada biyaha, cuntada, nadiifinta iyo shidaalka, wuxuuna intaas ku daray in waxgaradka beeshu fadhi iyo talo yeesheen, go’aamiyeena inaan qardaraasyadaa laga qeyb gelin, wax talo ahna lagu darsan.
Caaqil Maxamuud Xasan Cismaan oo hadalka qaatey ayaa isna sheegay inaanay marnaba aqbali doonin go’aankaa Genel Energy qaadatey oo uu ku tilmaamay mid beel ahaan karaamadooda iyo jiritaankooda dhaawacaya.
Caaqil Maxamaed Odokore ayaa isna sheegay inaanay aqbali doonin go’aanka Digaxaadhka ah ee dhinaca ka raran ee shirkada Genel Energy soo saartay, wuxuuna intaas raaciyey inaan beeshoodu u tartamayn qandaraasyada Genel Energy naadisey.
Geesta kale Oday Cali Buraale oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku hanjabay inaanay beeshoodu aqabali doonin caaqil degaan kale ka soo duulay.
Gudomiyaha beesha reer Yoonis oo hadalka soo gunaanaday ayaa yidhi “anagu heshiis ka kooban todoba qodob ayaanu Genel Enegy isla qaadanay ama wadagalay hadey jebiso ama fulin weydo iyadey u taalaa, waxaanaanu u aragnaa inay taasi nabadgelyo daro iyo khakhal keeni karto, loomana baahna inay shirkad yari (Genel Energy) dal oo dhisan khalkhal iyo fawdo geliso
Isku soo wada duuboo waxay odayadii iyo madax-dhaqameedkii shirka jaraaid ka hadlay iska dabamareen inaanay aqbali doonin, lana dhacsayn sida shirkada Genel energy wax u wado, waxayna ku hanjabeen in wixii nabadgelyo iyo khalkhal ka yimaada inay dusha u ridan doonto.
Hanjabaada Beesha Reer Yoonis ka hor waxa khilaafka arrintan aan xalka laga gaadhin digreeto Hanjbaaad ah beelaha gobolkaasi ka soo saaray Madaxweyne Siilaanyo isagoo sheegay cidii ka hor timaada in aya ciidanka Somaliland cagta marin doonaan.
Hadaba waxa ay hanjabaada Beesha Reer Yoonis ku soo hagaagtayaa maalin kadib markii ay Shirkadda Genel Energy soo saartay qandaraasyo ay bixinayso, taasoo sida ay Odayaashani ku doodayaan ka hor imanaysa Heshiis ay hore u wada galeen.