Xarun Agoomaha lagu xanaanaynayo oo Burco laga Hirgalinayo

0
127

Burco(Waaheen) Badasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X. C/laahi (Xamarji) iyo Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) ayaa shalay si wada Jir ah u dhagax dhigay xarun  loogu talo galay Agoomaha oo ay dhisayso Hay’ad Norway ah oo lagu magaacaabo URTEHAGEN INTERNATION, isla markaana ay dhulka laga dhisayo ay bixisay  Dawlada Hoose magaalada Burco.

Xaruntan Agoomaha oo laga hir galinayo Xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco ayaa dhagax dhigay kabacdi waxa hadalo kooban ka yidhi maayarka Burco iyo Badhasaabka Gobolka togdheer Xamarji.
Badhasaabka Tog-dheer  Axmed Cumar X C/laahi ayaa dhagax dhigii xarunta agoomaha  isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi “halkan oo laga dhisayo xarun agoomaha oo uu wato sheekh Cali waxaan u rajaynayaa inay dadka jilicsan ay ka faa’ iidaysan doonaan guud ahaan iyaga iyo caruurtoodaba lagu xanaanayn doono  runtiina NGO reer  oslo ee uu sheikh Cali guddoomiyaha u yahay  Maariya iyo Foosiyina lasocoto waan u mahad celinaynaa” ayuu yidhi
Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad  ayaa isaguna hadalo kooban oo uu halkaas ka yidhi waxa ka mid ahaa “halkan aanu dhagax dhignay waxaa laga dhigi doonaa haduu illaah noo ogolaado xarun wayn oo lagu xanaanayn doono agoomaha, waxaana dhisi doona NGO Norwegian  ah oo uu Madax u yahay sheekh Cali oo Norwegian ah iyo Maariya oo Ururka ka mida iyo Foosiya Janaale oo iyana Organisationka kamida. HalkanI waxay noqon doontaa xarun wayn oo lagu xanaaneyn doono Agoomaha iyo  dadka jilicdasan sheekh  Cali laftiisa ayaa noo balan qaaday meel kale oo iyana dumarka danyarta ah lagu tababari doono insha allaahu,  halkana aanu taaganahay anaga dowlada hoose ayaa bixinaysa ta danbana anagaa bixin doona oo balan qaaday.” Ayuu yidhi
Sheekh Cali oo isaguna ah Gudoomiyaha ururka URTEHAGEN INTERNATION  oo u dhashay dalka norway ayaa isaguna halkaas kaga balan qaaday in ururkiisu diyaar u yahay inuu wax badan ka qabto dadka jilicsan.