Reer Boorama oo aan u kala hadhin soo dhawaynta Axmed Ismaciisl Samatar

0
133

soo dhaweenBoorame (Waaheen)- Kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame, ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay gobolkaasi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan Somaliland u dhashay hase yeeshee aaminsanaa fikirka Soomaali weyn oo u soo hiloobay dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Dadweynahan oo aad u tiro badnaa ayaa Prof Axmed Ismaaciil iyo weftigii la socday ku soo dhaweeyay oo kaga hortagay duleedka degmadda Dilla ee Gobolka Awdal, waxaanu halkaasi kula hadlay Boqolaal qof oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen “Haybad waxaad ku leedahay dalkaaga Hooyo. Waan sugaynaa waana laguu fadhiyaa waxqabadkaaga” iyo ereyo kale oo macno ahaan kuwaasi la mid ah.

Intaasi ka dib waxa Axmed Ismaaciil Samatar loo soo galbiyay dhinaca magaaladda Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, waxaanu kumanaankii qof ee soo dhaweeyay uu kala hadlay fagaaraha khayriyadd, waxaanu sheegay inuu si weyn ugu farxay sida loogu soo dhaweeyay dalka gaar ahaan socdaalkan uu maanta ku tagay magaaladda Boorame.

Prof. Samatar waxa uu sheegay inaan wax-qabad uu bulshada Somaliland u qabtay aan lagu soo dhaweynayn, hase yeeshee waxa uu tilmaamay inuu wixii imika ka dambeeya ka hawl galayo sidii juhdi adag loogu geli lahaa horumarinta iyo jiritaanka Somaliland.
Aqoon yaha n Axmed Ismaaciil waxa uu shacbiga ku dhaqan gobolka Awdal ugu baaqay inay u midoobaan horumarka gobolkooda , isagoo u soo jeediyay inay xukuumadda Somaliland ka gacan siiyaan horusocodka ay la doonayso inay ka fuliso goboladda dalka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ay dalka ugu marti-qaaday Axmed Ismaaciil sidii ay ugu xaqiijin lahayd inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah oo aanay cidi ka sheegayn dalkiisa hooyo.
Wasiir Cabdilaahi Geel Jire waxa uu xusay inay xukuumaddu doonayso inay ilowsiiyo sidii loogu bahdilay Profosorka dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Beeraha Somaliland Mudane Faarax Cilmi Geedoole, Maayarka Magaaladda Boorame Saleebaan Xasan Xadi iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka bulshadda gobolka Awdal, kuwaasi oo dhammaantood sheegay inay u riyaaqeen socdaalka Aqoon yahan Axmed Ismaaciil ku yimid dalkiisa waxaanay u soo jeediyeen inuu ka shaqeeyo difaaca dalkiisa iyo dadkiisaba.