Xukuumadda oo xalin kari weyday Maalaa-gashigii Ganacsatadeedu hindistay

0
84

Xukuumadda oo xalin kari weyday Maalaa-gashigii Ganacsatadeedu hindistay hadana dib u yagleelaysa Qorshe hanataaqo ku keeni kara kuwo dibadeed

Wershadii Sibidhka oo laga quustay iyo sahankii shiidaalka oo wali taagan

imagesHargeysa(Waaheen) Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xal u weyday dhamaystirka laba Maal-gashi oo ay Somaliland mid ka heshay Ganacsatada Dalka, ka kalena Dawladaha Shisheeye.

Labada Maal-gashi ee Somaliland soo maray midi waxa uu ahaa Wershada Sibidhka Berbera taasoo uu Ganacsade Reer Somaliland ahi u istaagay sidii uu u hirgalin lahaa balse iska cabin kaga timi dad shicib ah darted buu istaagay mashruucaasi ilaa hadana Xukuumadda Somaliland hirgalintiisa iyo ka noqoshadiisa midna ummadda umay soo bandhigin.

Maal-gashiga labaad ee Dalka soo galay intii ay Xukuumadda Kulmiye talada haysay waxa uu noqday ka sahanka Shiidaalka oo meelo kala duwan iyo shirkaddo kala gaar gaar ahi ay doonayeen in ay dalka ka bilaabaan, balse bilowgiiba Maal-gashigii ugu weynaa oo ahaa ka gobolka Saraar ay dawladda Turkigu ka fulinaysay waxa uu u hakaday Maamul xumo ka dhalatay qaabka loo hirgalinayay.

Labada Maal-gelinood oo ay Xukuumaddu si adag uga hadashay in ay fulinayso oo aanay u dul qaadan doonin cidii ka hor timaada midkoodna wali muu fulin, farsamadii ay ku fuli lahaayeena wali Xukuumaddu lamay iman.

Ka Sibidhka isagu wuxuu u muuqdaa in laga Quustay, hase yeeshee ka shiidaalka oo hakaday waxa soo if baxaysa in maalmahan uu jiro dhaqdhaqaaq kale oo lagu bilaabayo qorshe ka duwan kii hore ee xanibay oo ahaa in shirkaddo yar yar oo deegaanka ah la siiyo qanadaraasyadda ay fulin karaan qaarkood.

Hase yeeshee dhaqdhaqaaqa bilaabmay ilaa hada uma muuqdo mid midha dhal noqon kara, marka laga eego xaalada Gobolkaasi ka taagan oo nabadgelyo ahaanaa halis u ah wakhtigan, iyadoo xukuumaddu ka gaabisay soo qabashada Gacan ku dhiiglayaashii Dilay taliyihii Sirdoonka Gobolka saraar, isla markaana aan wali kala furan labadii Beelood ee ay ka soo kala jeedeen Marxuumka iyo Gacan ku dhiigalayaashu.

Sidoo kale, waxaan muuqan qandaraasyada la bixinayo nooca ay yihiin iyo qaabka loo bixinayo, inta ay arrimahaasi taagan yihiin ma muuqato wajiga labaad ee Maal-gashigan lagu doonayo in lagu bilaabaa sida uu u suurtogeli doono.

Inkasta oo ay Xukuumaddu gashay tabaabulshe dhinaca sugida Amniga ah ayaa hadana waxa jira guux aan wali damin oo ka taagan dadka deegaanka ah, waxaanay taasi u baahan tahay Xukuumaddu in ay ka hawl gasho inta aanay shirkadda Sahanka wadaa bilaabin hawshii ay ahakadka galisay.

Iyadoo ay Aloosan yihiin dhaliilahan hortaagan maal-gashigii Dalku ayuu hadana Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xukuumadduba ku foogan yihiin in ay ka qayb galaan shirar Maal-gashi oo siyaasiyan dibin daabyo ku ah Somaliland, kuwaasoo ay gadh-wadeen ka tahay Xukuumadda Somaliya ee aynu colka nahay.