Xukuumadda oo shirkadda Telesom ka joojisay

0
69

telesom

baahintii Live-ka ahayd ee Radio Hargeysa ku soo tabinaysay Ciyaaraha.

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay ka joojisay Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom adeeg ay Idaacada Radio hargeysa u siisay in ay si toos ah ugu soo tabisao Dadweynaha Ciyaaraha Goboladda, kaasoo ay si tabaruc ah u bixisay.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay Xukuumaddu uga joojisay shirkadda Telesom adeega Tooska ah ee ay siisay Radio Hargeysa kaasoo ay doraad dadweynuhu ka markhaati ahaayeen in ay wariyayaashii warka soo tabinayay uga mahadnaqayeen Shirkadda Telesom adeegaasi ay u fududaysay oo aanay Xukuumaddu markii hore qabanin.

Qaar ka mid ah dadka sida tooska ah ula socday Radio Hargeysa doraad markii ay Ciyaaruhu ka socdeen ayaa ka baaqsaday in ay hor fadhiistaan Shaashadaha ama ay tagaan Garoonka, waxaanay iyaga oo hawlahooda wata si toos ah uga socdeen Radio-ga.

Ilaa hada Xukuumadda iyo shirkadda Telesom midkood-na kamuu hadal talaabadaasi shirkadda lagaga hor istaagay adeegii ay siisay Radio Hargeysa, balse sida ay Waaheen u xaqiijiyeen Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxa soo noq noqonaya in ay Xukuumaddu ka hor istaagayso Shirkadda Telesom u fududaynta Warbaahinta Qaranka adeega tooska ah ee bulshada loogu gudbinayo xafaladaha iyo munaasibadaha Qaran ee Dalka ka dhaca.

Shirkadda Telesom oo ah shirkad Isgaadhsiineed oo Dalka Horumar balaadhan gaadhsiisay ayaan la garanayn sababta ay Xukuumaddu cadaadiska joogtada ah ugu hayso.