Gaadhi Jaadle ah oo sababay shil dhimasho iyo dhaawac keenay

0
56

shilka_baabuurHargeysa(Waaheen) Gaadhi nooca Jaadka qaada ah ayaa shalay galab ku qalibmay agagaarka tuuladda Caabudla ee Gobolka Gabilay, waxaana ku dhintay laba qof, halka dirawalkii gaadhigaas wadayna xaaladiisu culustahay.

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gabilay Cali C/laahi ayaa Waaheen u xaqiijiyay shilka gaadhigaasi isagoo wakhtigaas ku mashquulsanaa sidii loo soo qaadi lahaa dirawalka oo dhaawaciisu cuslaa oo wakhtigaas loola cararay Cisbitaalka Gabilay.

Sidoo kale, gaadhi jaadle ah ayaa isna shalay Duhurnimadii gaadhi kale oo SURF ah ku jiidhay goolada Togdheer halkaas oo uu khasaare soo gaadhay dadkii sarnaa gaadhiga la jiidhay.

Shilalka baabuurta ayaa ka sii badana sidii ay ahaan jireen waxaana ugu wacan inta badan Dirawaliinta gaadiidka oo si qayral mas’uulnimo ah u wada gaadiidka iyo Jidadka oo aan dayactir helin.

Xukuumadda Somaliland waxa la gudboon in ay culays saarto shuruucda gaadiidka, isla markaana ay waajibaadkooda gutaan Ciidanka taraafikadu, wakhtiyadda ay wadooyinku saxmada yihiin.