Shirkadda Al-nuur Furniture oo Casumtay Cayaarka13 Gobol ee Dalka

0
85

alnuu

 

 

Hargeysa(Waaheen) Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somaliland iyo Shirkadda Ganacsiga ee gaarka loo leeyahay ee Al-nuur Furniture ayaa habeen hore Casho sharafeed is-barasho ah u sameeyay intii aanay shalay furminCayaaraha Goboladu Ciyaartooyga 13ka Gobol ee JSL ka kooban tahay Tababarayaashooda, Masuuliyiinta Heer Degmo iyo Heer Gobol ee Dalka, Wasiiro tiradoodu gaadhayso 12 oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Cayaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiika Caddaalada iyo Garasoorka Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku-xigeenada Macadanta iyo Biyaha, Arimaha Gudaha, Maaliyadda, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Madax iyo Marti sharaf kale oo badan.

Wasiirka Cayaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa si diiran ugu mahad-naqay Shirkadda Ganacsiga ee Al-nuur Furniture oo uu sheegay inay ku tilmaaman tahay Shirkaddu Horyaalka Shirkadaha bar-bar taagan Dhalinta iyo Cayaaraha oo ay Wasaaradiisu mar kasta ay ogsoon tahay kaalinta ay kaga jiro waxtarka ay u fidiso.

Maxamed Cali oo ku hadlayay Magaca Shirkadda Al-nuur ayaa sheegay inay Casha Sharaftani ay habeen hore u sammeeyeen Cayaartooyga 13 Gobol ee Dalka ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay sidii Cayaartooyda Goboladu isku baran lahaayeen ka hor inta aanay furmin Koox kastaana ay ku niyad san tahay inay guulo soo hoyn doonto.

Waxa kale oo uu sheegay inayna Casha sharafeedkaasi noqonaynin waxtarkii ugu dambeeyay ee ay Shikadda Al-nuur Furniture u fidiso tan iyo inta ay cayaaruhu socdaan balse la arki doono wacdaraha ay ka muujiso tartanka Horyaalaka Gobolada Somaliland, isagoo sheegay inay shirkad ahaan ugu deeqeen Cayaartooyda Gobolada mid kasta Boodhadh ay ku xardhan yihiin Calamadaha iyo Astaahamaha Gobol kasta uu gaarka u leeyahay.

Munaasibada Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka dhex muuqday dhalinyarada SOCSA oo heesta calanka ku furay iyo Astaamaha shirkada Wadaniga ah ee Al-nuur Furniture.