Samatar iyo Somaliland‏

0
108

axmeWaxaa dad badani ku mashquuleen sidii ay u fahmi lahaayeey prof. axmed Ismaaciil Samatar iyo meeshii loogu soo hagaagi lahaa shaqsiyadiisa gaarka ah iyo tiisa siyaasadeed.

Profoserku waxaad moodaa markaad dhinac ka eegto innaanu wax badan ka ogayn dhaqan gadiska dhacay ee gabi ahaan saameeyay wadanka mudaddii uu wadanka ka maqnaa.
Aqoonta uu shaqsi shay u leeyahay madaboolikarto wax kasta oo kale. Cilmiga uu leeyahay profeseerku waxaad muudaa inuu yahay mid wax ku qabad leh wadamada reer galbeedka,hase ahaatee aanu la jaan qaadi Karin hab dhaqanka iyo siyaasada yagleelka ah ee sasabada lagu tuluntulkhaynayo si beelaha iyo shaqsiyaadku isu dugsadaan,danahoodana loogu jiro. Sidaan kor kusoo xusay isuma xidhna cilmiga profoseerka iyo dhaqanka siyaasadeed ee meesha yaal, waxaanad moodaa profeseerku inaanu ka war qabin in markii uu wadanka katagay ay is baddalo dhaceen . markaad eegto profeseerka siduu u hadlo ama u dhaqmo, haddaan tusaaleahaan wax ka sheego, waxuu sheegay inuu xabaashii aabihii(Alle haw naxariistee)uu foox kusoo shidi doono, taasina waa calaamad ku tusini in markii ugu dambaysay ee uu garanayo xabaalaha foox lagu soo shidi jiray. Midda kale wakhtigiisaa dadku heesaha, hobbolada iyo abwaanada aad baa loo jeclaa oo way yaraayeen, giitaarkana lamaba heli jirin. Sidaa darted ayaa waxaad moodaa inuu uhaysto in dadku si dii uga hellaa, siyaasad ahaana loo jeclaysan doono.
Waxii ugu badnaa ee kaga soo dhacay Soomaaliya waxay salka ku hayaan aqoon darada aanu waxba ka ogayn isbadalka dhacay iyo rajadii uu qabay oo isu qabsoomiwayday. Maadaama oo uu imika usoo janjeedho xagga Somaliland waxaan kula talin lahaa inuu horta dhaqanka meesha yaala fahmo, yareeyana rajooyinkiisa ku wajahan siyaasada iyo habdhaqanka bulshooyinka Somaliland. Waxaa dawlada Somaliland ayna kula talin lahaa inaynay xil kula dag dagin ee ay ka fiirsato ooy eegto hadba siduu qaangaadh ugu noqdo arrimaha bulshada iyo Mabaadiida aasaasiga ah ee ay ku taagan tahay Somaliland iyo sooyaalka taariikhiga ah ee guud ama gaarba .

BY SAEED ISSA ELEYEH