GURYO-NOQOSHADA AQOONYAHAN AXMED ISMACIIL SAMATAR WAA GUUL SIYAASADEED OO U SOO HOYATEY SOMALILAND

0
130

qorGURYO-NOQOSHADA AQOONYAHAN AXMED ISMACIIL SAMATAR WAA GUUL SIYAASADEED OO U SOO HOYATEY SOMALILAND

FAALO: WERIYE MAXAMED ISMACIIL CUMAR( MAXAMED BIID) GABILEY

2/6/2013ka ayay ahayd maalintii uu Prof;Axmed Ismaciil Samatar ka soo degay garoonka diyaaradaha ee berbera  isagoo ka soo kicitimay cariga maraykanka.

Aqoonyahan Axmed Ismaciil Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland gaar ahaan gobolka gabiley ayaa waxuu ahaa 21kii sanadood ee la soo dhaafay caqabada ugu weyn ee madaxbanaanida somaliland hortaagan isla markaana waxuu si weyn ugu ololayn jirey midnimada riyadii somaliweyn iwm.

Badhtamihii sanadkii tegay ayay ahayd markii uu hunguri siyaasadeed oo uu ku hungoobey ugu baqooley  dhankaa iyo koonfurta soomaaliya isla markaana uu isku sharaxay jagada madaxweynenimada somaliya haseyeeshee waxuu kala kulmay niyadjabkii ugu weynaa ,kaas oo sababay inuu qarsan kari waayey markuu uu cariga maraykanka dib ugu laabtay mashaqadii siyaasadeed iyo quudhsigii uu muqdisho kala noqdey,taasina waxay u horseeday inuu xaqiiqada dhabta ahi sida dharaarta ugu cadaato isla markaana ay ku soo dabaasho halkii uu asal ahaan ka soo jeeday iyo deegaankiisii ay xundhurtiisu ku aasnayd  oo ah jamhuuriyada soomaliland gaar ahaan gobolka gabiley.

Dhinaca kale dib u soo noqoshada  PROF: Axmed Ismaciil Samatar waxay  u muuqataa guul siyaasadeed oo somaliland u soo hoyatey isla mar ahaantaana waxay dhabarjab iyo cawaaqibxumo aanay ka soo kabanayn ku tahay riyada madhalayska ah ee somaliweyn iyo midnimada khiyaaliga ah ee raga qaar isku maaweeliyaan,waxaa kale oo ay markhaati cad u tahay soo guryo noqoshada  aqoonyahan Axmed Ismaciil Samatar meelmarinta himiladii ee shacbiga somaliland  uu ku doonayay madaxbanaanida qaranimadooda oon ku iman hadyad iyo sooryo toona  balse kumanaan iyo kumanaan dad ahi ku curad waayeen,ku naafoobeen,kuna agoomoobeen qaarna ku goblameen islamarkaana  naf iyo maalba loo huray si loo helo qarran xor ah oo madaxbanaan.

Sidoo kale hadalkii Prof: Axmed Ismaciil Samatar horaantii sanadkan ka sheegay maraykanka ee uu ku muujiyay rajo xumada  koonfurta soomaaliya iyo inay beenowdey riyadiisii ahayd midnimo dambe oo dhexmarta somaliland iyo somaliya .

Dhawaaqaa ka soo yeedhayna waxuu la mid ahaa kii 1991kii ka soo  yeedhay mudane cumar carte qaalib ee uu kula hadlay dhamaan ciidamada soomaaliya  ee ku sugnaa somaliland kuna amray inay dhamaantood isku dhiibaan ciidamada SNM .

Sikastaba ha ahaatee soo guryo-noqoshada aqoonyahan Axmed Ismaciil Samatar ka sakow guusha balaadhan ee jamhuuriyada somaliland u soo hoyatey marka laga gudbo waxay si gaar ah guul tahay saaxada siyaasadeed iyo haldoorka aqoonyahanada u heelan hogaaminta somaliland waxaanu dheelitir u yahay damaca siyaasadeed ee siyaasiyiinta jamhuuriyada somaliland barri iyo galbeedba.

Guntii iyo gebogebadii aqoonyahan Axmed Ismaciil Samatar oo la ogyahay kalsoonida siyaasadeed iyo sumcada qofnimo ee u soo hoyatey mudadii uu ka soo noqdey riyadii uu 21ka sano ku noolaaa ayaa waxaa la saadaalinayaa miisaanka siyaasadeed ee uu ku yeelan doono saaxada siyaasada somaliland mustaqbalka dhow iyadoo ay dadka siyaasada odorosaa sheegayaan inuu buuxiyay kaalin siyaasiya oo ka maqnaa kafada siyaasiyiinta somaliland ee waqtigan qaybna ka noqon doono waxii hada ka dambeeya raga isku taagi doona  musharaxnimada jagada madaxweynenimada somaliland,,,,,,,,,,,,,,,

FAALO: WERIYE MAXAMED ISMACIIL CUMAR( MAXAMED BIID) GABILEY