Xarunta Human Rights Center oo xad Gudub ku tilmaantay xadhiga Wariye Cortoons-te ah

0
65

c.Hargeysa(Waaheen) Xarunta Human Rights Center ayaa qoraal ka soo saartay Wariye Cartoons-te ah oo lagu magacaabo C/rashiid Muxumed Qalinle oo ay Xukuumadda Somaliland ku xidhay magaaladda Gabiley.

WarsaxaafadeedXadhiga Cabdirashiid Muxumed Qalinle wuxuu xadgudub ku yahay xoriyadda aasaasiga ah ee ra’yi dhiibashada, waana in xoriyadiisa loo soo celiyaa.

Cabdirashiid Muxumed Qalinle oo ah nin sameeya sawir gacmeedyada (cartoons) ayaa lagu xidhay magaalada Gabiley maanta, 2 June 2013. Cabdirashiid oo ku caan ah samaynta sawirada gacmaha (cartoons) waxa loo haystaa sawir uu ku muujiyay gargaar cunto ah oo la sheegay in si xun loo maamulay.

Muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay inuu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale, sida uu dhigayo qodokba 32 ee dastuurka Somaliland. Waxa reeban in qof lagu cabudhiyo isaga oo isticmaalay xorriyadiisa hadalka.

Waxa sidoo kale magaalada Hargeisa ku xidhan afar qof oo loo xidhay waraysi ku saabsan gargaar cunto ah oo la sheegay in si xun loo maamulay, waraysigaas oo ay siiyeen wargeyska Foore. Sidoo kale waxa looga yeedhay Waaxda Dembi Baadhista ee Booliiska (CID) weriyihii waraystay nimankaas.

ficiladaasi waa kuwo lagu cabudhinayo saxaafadda oo dastuurku u damaanad qaaday madaxbanaani, laguna daboolayo xog ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan muwaadiniintu si ficilada masuuliyiinta dawladu u noqdaan kuwo cad (transparent) oo lala xisaabtami karo (accountable). Waxay labada dhacdo ba wadaagaan inay la xidhiidhaan gargaar cunto oo dad baahani lahaayeen.

Waa waajib in masuuliyiintu ixtiramaan dastuurka. Cabiridda fekerku na waa mid ka mid ah xuquuqaadka aasaasiga ah ee dastuurku bixiyey.

Waxay ahayd 24 June 2013 markii niman hubaysani ay soo weerareen xarunta wargeyska Hubaal. Ma jirto wax natiijo baadhitaan ah oo ilaa hadda uu shaaciyey Booliisku oo ku aadan ciddii ka danbaysay weerarkaas. Codsiyadii lagu dalbaday in baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyo na waxba lagama soo qaadin.

Dhamaan dhacdooyinkaasi waxay abuurayaan welwel wayn oo ku aadan xaaladda ay ku shaqeeyso saxaafadda Somaliland.

Talo-soo jeedin:

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinay masuuliyiinta dawladda:

  1. Inay si degdeg ah xoriyadiisa ugu soo celiyaan Cabdirashiid Muxumed Qalinle,
  2. Inay sii daayaan afarta nin ee u xidhan waraysiga ay siiyeen wargeysa Foore,
  3. Inay baadhitaan ka madaxbanaan Booliiska lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday wargeyska Hubaal.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

+252 (0) 63 4468227