Somaliland Iyo Qar-qarsiguu Qabiilku Baday? Qalinkii C/raxmaan-Salafi‏

0
106

ssssaffWaxaa hubaala in mushkiladda maanta mergiyada  jartay somaalida saldhigeedu yahay salaw qabiil iyo sedbursi doon. aragti ahaan waxaa bulshada caalamku iyo somaliduba si weyn isugu  waafaqsan yihiin in qabyaaladdu tahay aafada ugu culus iyo masiibada ugu darran ee somalida kala irdheysay ee joog iyo jifba u diiday  meelkasta oo ay ku nool yihiinba.waxaa taariikhdu maragka tahay in burburkii somaliya iyo qaran jabkii dhacay   in ay udub dhexaad u ahayd  qabiil wax ku goosasho,eexaysi  iyo aragti reereed taas oo dhaxal siisay halaag iyo hungo aan cidina mahadin.shacabka Somaliland waxay ku qaadatay in ay soo ceshadaan  dawlad nimadii ay u hibeeyeen koonfur  in  ay ku bixiyaan  halgan nafhura iyo maal  wixii ay lahaayeen ka dib markii ay u adkaysan waayeen  dulmigii iyo qabiilaysigii indho la’aanta ahaa ee horaarkii  Siyaad Bare ku hayey shacabka reer Somaliland taas oo gaadhay qabiil wax ku goosashadu heer qofkasta oo damiir leh waxbadan ka yaxyaxo.

Wuxuu ahaa hanka iyo himilada shacabka somailand inay dhisaan qaran xoogan oo ay muwaadiniintu kuwada nooladan sinnaan iyo cadaalad iyada oo beelaha wada daga geyyiga Somaliland dhamaantood isku raaceen ama isla qaateen in la unku qaran madaxbanaan oo ka turjumaya doonista dadka reer somailand waxaana Allah uu u dhabeeyey hamiladoodii inay ku guulaystaan oo ay dhisaan  waxbadan  haykal kii dawladnimo lagu yaqaanay waxana    qofkasta oo reer Somaliland ah yuhuuntiisu   ahayd in maalin uun lagaadhi doono somaliland oo   ka quwad badan qolo qolaysi iyo qarjiidh reereed  lakiin waxaa nasiib darro iyo ayaan daro ah in maanta oo Somaliland 22 jirsatay  in  qabiil ku  awood bato  nadaamka dawladnimo taas ay oo ay   ku suntanaato Somaliland  waxaa loo yaqaan (fragile state) oo ka dhigan qaran aan lugo-adag ku tagneyn oo burburi kara wakhti kasta . waxaanay keeni kartaa  taasi  in maalgashadayasha aduunku ay ku dhiiran waayaan  in ay maalkooda ku aaminaan qaran awooda qabiilku hogaamiso,    sidoo kalena waxay tani samayn togan  ku yeelan kartaa kuna leedahay ilaa hada in aduunyadu ay kacaga  jiito  aqoonsiga oo ah himilda shacabka Somaliland.

Qabyaladu waxay Somaliland geyeysiisay in haddii qof xil loo doranayo lagu qiimeeyo qabiilka uu ka soo jeedo , meel aqoontii, kartiidii, dacadnimadii lagu xulan lahaa qofka qaran matali kara shuruud looga dhigay horta qabiil ma leedahay, meel loo kala sareeyo oo loo kala badsado tun weynanta qabiilka. Sidaas darted muwaadin  haddeynu rabno in aynu  dhisno  qaran waaritaan leh oo  ay ka dhaxlaan jiilasha soo socdaa nadaam toosan oo horseeda horumar miyaanay ahayn   in shacabku iska  saaraan shaadhka qabiilka, waxana hubaal iyo xaqiiq biyo kama dhibcaana ah inaan  lasadalin  Karin mustaqbalka wadanka haddii aan wax laga badalin hunguri waynaanta qabiilka.

 

 

Waxaan ku soo afmeerayaa maqalkan kooban tallo ku socota  shacabka  iyo hogaanka wadanka.

1.     In madaxdada wadanku shacabku u horseedaan cadaalad iyo sinaan si’loo helo kalsoonida shacabka.

2.     In la dejiyo si hal-abuuritaan lehna loo dhaqan-geliyo istaraatejiyad cusub oo si macquul ah ula socota lana jaan-qaadaysa duruufaha cusub ee ku gadaman geyiga Somaliland.

3.     In wax laga badalo golaha fulinta ee hab beeleedka lagu soo xulo oo lagu badalo   gole tayo leh oo ka kooban   dhalin yaro aqoon yahanaa oo firfircoon kuwaas  oo  waxbadan soo kordhin kara.

4.     In xukuumadu latimaado qaab maamuleed hufan oo leh laxisaabtan qeexan (Tranesprency) and Accountipilty)

5.      In shacabka somaliland cod dheer ugu sheegan xukumada hadba talada haysa in lasuuliyo dhaqan kan dibudhac iyo curyaaminta u horseeday qarankan curdinka.

 

W/Q: C/raxman Colad Cumer Jeex (Salafi)

Email: rafiiq2@hotmail.com

Tell: 0634177118