Wasiirka Hawlaha Guud oo xayiraad saaray dhul 24 baloodh dawlada hoose bixisay

0
107

images

 

Hargeysa(Waaheen):- Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Axmed Cabdi Maxamuud Xaabsade ayaa Shalay sheegay in wasaaradiisu Xayiraad Buuxda saartay Dhulka Danta Guud ee Degmada Maxamed Mooge oo

magaalada Hargeysa ka tirsan, ka dib markii Shalay Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa 24 Baloog oo dhulkaasi ka mida uu ku wareejiyay Wasaarada Dib u dejinta oo Dad bara kacayaal dan yara u dhisi doonta.

“Dhulkaasi wuu xayiran yahay Dhagaxna lama dhigi karo, ee muxuu ahaayeey cidii lahayd ayuunbaa la siin karaa ee sharcigu u qeexayo.” Ayuu yidhi wasiir Xaabsade

Wasiirku waxa uu sheegay inuu waraaq u diray maayarada Degmooyinka, Gudoomiyeyaasha Gobolada, wasiirka Arimaha Gudaha, Madaxwaynaha iyo Garyaqaanka Guud. Warqadaasi oo uu ku sheegay lahaansha Dhulka danta guud ah inay leedahay wasaarada Hawlaha guud.

“ Een dhulka Dan Guud marka la yidhaahdo waxa qeexaya Xeerka 17-aad ee loo yaqaano, Xeerka sharciga Maamulida Dhulka Magaalooyinka. Xeerkaas ayaa Qeexaya wixii dan guud loo Arkana waxaa yeelanaya Wasaarada Hawlaha Guud oo ka masuul ah cid kale oo ka masuuli ihi ma jirto”. Ayuu yidhi wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland.

Dhulka khilaafku ka taagan yahay ayaa ah dhul loo Qoondeeyay Dadka dan yarta ah ee Xaafada Maxamed mooge oo ku taala Koonfurta Bari ee Hargeysa. Maayarkii hore ee Caasimada Hargeysa ayaa hore 12 Baloog u siiyay dadkaasi , halka maayar ku xigeenka Hargeysana Shalay ugu daray 12 Baloog islamarkaana 24 Baloog dhul dhan loo dhagax dhigay. Dadka dhulkaasi la siiyay oo ah dad dan yar ah ayaa si diiran u soo dhaweeyay Dhawaaqa Maayar xigeenka ee Shalay.

Dhinca kale Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa C/Casiis Maxamed Xaashi Cagaweyne Ayaa Dhul gaadhaya Ilaa 24 Baloog ku wareejiyay Wasaarada Dibu dejinta Somaliland dhulkaasi Oo loogu tala galay Bara kacayaasha kaamamka xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa.

dhulkaasi Oo loogu tala galay inay hoy Unoqoto in ka badan boqolaal Qoys Oo Dan yara Isla markaan ku Bara kacay gudaha Somaliland  Waxaana La filayaa in Dhawaan la bilaabo dhismahooda iyadoo laga dhisi doono Wajiga Ilaa 800 Oo Guri Oo loogu tala galay Barakacayaasha.

Iyadoo markii hore Dhulkan Uu Maayor Jiciir bixiyay ilaa 12 Baloog Oo kamida Ayaa Maayor Ku Xigeenka Magaalada Hargeysa Mr Cagaweyne Uu ugu kordhiyay Dhulksaasi laban laab isagoo ka dhigay 24 Baloog.

Agaagasimaha Wasaarada Dibu dejinta Ayaa uga mahad naqay dhulkan ay Dawlada Hoose ugu deeqday Barakacayaasha isagoo ka gudoomay Isla markaana Ku tilmaamay talaaboo Horumar Iyo Geesiniimo Leh.