Warshadda Sharaabka Ee SBI Oo Sanad Jirsatay

0
133

cocaGuulihii Ay Gaadhay iyo Qorshaha Sanadka Cusub Oo La Soo Bandhigay:

Hargeysa(Waaheen) Warshadda sharaabka SBI ayaa maanta u dabaal degtay sanad guuradeedii Koowaad ee Ka Soo Wareegtay Markii si rasmi ah iridaha loogu furay.

Warshaddan oo ay mulkiyadeeda iska leeyihiin Ganacsato Reer Somaliland ahi, hoos tagtana OGF Group ayaa waxa ay soo saartaa Sharaabka ay ka mid ka yihiin Coca Cola, Sprite,  Fanta iyo Fanto Strawberry.

Xafladdan lagu xusayey Asaaska Warshada Sharaabka ee SBI ayaa ax lagu qabtay xarunta guud ee magaaladda Hargeysa.

Liibaan Yuusuf Cismaan  ayaa Halkaasi hadal kooban oo uu ka jeediyey ayaa ku  nuux-nuuxsaday dedaalkii badnaa ee ay warshadda Sharaabka ee SBI ay gelisay sidii ay u wada gaadhi lahayd dalka oo dhan, isla markaana Dadka Reer Somalialnd uga Maarmilahyeen Sharaabka Dibada laga Keeno, isaga oo Xusay in Warshadda Sharabka ee SPI ay dadka reer Somaliland ka Haqabtirtay Sharaab tayadiisu fiican tahay.

Mustafe Cismaan Geele oo isna halkaasi ka hadlay ayaa shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan uga mahad celiyay dhiirgelintii balaadhnayd ee ay u sameeyeen warshadda sharaabka.

 

Waxa uu xusay in shacabka La’aantii aanay u hirgasheen himiladoodu, waxaanu carrabka ku dhuftay in bisha todobaad ee soo socota ay samayn doonaan shaqo abuur laxaad leh.

Waxanu yidhi.”Sida aad la socotaan ama dadweynuhu ay ogaayeen nashqadii hore ee sharaabka waxa aanu u bedelnay noocan cusub ee hadda aad aragtaan, nasiib wanaag warshadeenan SBI  waxa ay noqotay warshadii ugu horeysay ee qaadata, nashqadan cusub, waxaana naga horeeyay dhawr dal oo uu maraykanku ku jiro ayaa naga horeeyay, waxaana soo dhaweeyay Macmiisha Dalka Somaliland, Somalia iyo Puntland.”ayuu yidhi.

Mustafe Cismaan Geele oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi Intii ay shirkadda Sharaabka ee SBI  jirtay waxa ka soo wareegtay hal sano la furay, horumar balaadhan ayay mudadaasi ku talaabsatay, waxaana lagu soo kordhiyay sharaabka noocyadiisa waaweyn, waxa kale oo suuqa magaaladda Hargeysa lagu arkaa qalabkii sharaabka lagu qaboojinayay oo uu cadcadeeda kaydiya, waxa kale oo iyaduna ku jirta talaagad weyn.

Insha allaah bishan bisheeda, dambe hadii alle idmo waxa aanu ku  talo jirnaa in aanu ku soo darno sharaabka noocyadiisa aan soodhaha lahayn, sida sharaabka aan sonkorta lahayn, sida aad ka war qabtaana warshadani waa mid wax soo saar oo ugu weyn dalka iyo waliba geeska afrika” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray Mustafe Cismaan Geele in ay ku talo jiraan sidii ay sanadkan u sii laban laabi lahaayeen Wax-soo saarka Warshadda Sharaabka ee SBI, waxaanu yidhi “Waxa aanu ku talo jirnaa in sanadkan aanu sare u sii qaadno wax soo saarka warshadda Sharaabka ee SBI oo intii aanu hore u soo saari jirnay ka dhigno afar laabkeed”

Mar kasta oo uu wax soo saarku uu bato, waxa iyaduna badanaysa shaqo abuurka, bisha todobaad hadii alle idmo waxa aanu suuqa soo gelino talaagado taayiro leh iyo waliba dalaayado, waxaanay ka mid tahay wax aanu bilaash ku bixin doono oo aanu ugu talo galnay dadka dan-yarta ah, waana ugu yaraan ilaa sideed boqol oo qof, waxaanay ka dhigan tahay in dad gaadhaya sideed boqol oo qoys oo wax helay” ayuu yidhi.