UNDP iyo Dawladda Faransiiska oo Somaliland ka hor istaagay

0
119

un Shir la dagaalanka Budh-cad Badeeda ah:

Hargeysa(Waaheen) Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Dawladda Faransiika ayaa Somaliland si wadajir ah uga hor istaagay shir ku saabsan la dagaalanka Budhacd badeeda oo ay Somaliland hore ugaga qayb gashay Dalka Imaaraadka Carabta.

Wefti ka koobnaa toban xubnood oo isugu jiray Garsoorayaal, Xeer ilaaliyayaal iyo Jaamacadda Hargeysa ayay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP ku war-gelisay in aanay u safri Karin shir maanta uga bilaabmay Dalka Faransiiska oo ay ka qayb galeen Hay’addaha iyo dalalka qaybta ka ah la dagaalanka Budh-cad Badeeda, kuwaasoo hore Somaliland ugu martiqaaday shirk an hordhac u ahaa oo ka dhacay Dalka Imaaraadka Carabta.

Mid ka mid ah masuuliyiinta Somaliland ee shirkaasi ka qayb geli lahaa ayaa Waaheen u xaqiijiyay Hay’adda UNDP in ay ku amartay markii ay xidhiidhka la sameeyeen in ay soo qaataan Baasaaboorka Dawladda Somaliya ee E-passport-ka taasoo ay u sheegeen Dawladda Faransiisku in ay shuruud ka dhigtay.

Sarkaalkaasi waxa uu sheegay xukuumadda Somaliland in ay u gudbiyeen arrintaasi balse aanay wax talaabo ah oo ay kula xidhiidhayaan UNDP iyo Dawladda faransiiska mid toona aanay ku dhaqaaqin ee ay afka ka xidheen, iyaguna ay diideen in ay qaataan Baasaaboorkaasi.

Shirka ka socda Dalka Faransiiska ayaa Somaliland saamayn ku leh, waxaanu qayb ka yahay heshiiska ay Hay’adda UNDP kula jirtay ee ay xabsiyada Somaliland ugu xidhan yihiin maxaabiis Budh-cad badeed ah oo qaarkood Somaliland lagu qabtay halka qaarkood-na dalal dibeda ah laga keenay.

Hay’adda UNDP wax maal-gelin ah mashruucaasi inta la ogyahay Somaliland kumay siin marka laga tago dhismaha Xabsiga dhexe ee Hargeysa, waxaanay maxaabiista Budh-cad badeeda ahi Somaliland ku hayaan dhibaatooyin badan oo la xidhiidha dhinaca Dhaqaalaha iyo Amaankaba ah.

Shirkan ayaa lagaga hadlayaa sidii hay’adaha Garsoorku tababaro ugu heli lahaayeen la dhaqanka maxaabiistaasi oo muddo badan ku jiraya Jeelasha Dalka.