Salaadiinta Beelaha Gabooye oo Safar ku Maraya Gobolada Dalka oo dhan

0
218

salaadiinSalaadiinta ugu miisanka weyn Beelaha gabooye ayaa bilaabey safar ay ku soo marayaan dhamaan gobolada Somaliland, Safarkan Salaadiinta oo uu ku wehelinayo Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arimaha Dadka Laga Tirada Badan yahay Haldoor Barkhad Jama Hirsi ayaa waxa ay Masuuliyiintani Safarkooda Saldhig uuga dhigeen aayo ka talinta Beelaha Gabooye kadib markii ay dhamaan Doorashadii deeganka ee dalka ka qabsoontey ku guul dareysteen iney soo saaraan hal Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanada goolayaasha deegaanada Dalka. iyagoo sidoo kalena xoog uuga wacyigalindoona barashada aqoonta, kobcinta dhaqaalaha iwm sida uu sheegay afhayeenka salaadiinta Suldaan Sufyaan

Odayaashan oo isgu jira Boqoro iyo Salaadiin ayaa waxay Safarkoodan xooga ku saarayaan sidii ay Bulshada hogaanka u yihiin uuga dhex muuqan laheyd siyaasada wadanka gaar ahaan goolayaasha qaranka, waxaaney Salaadiinta kulamo kula yeelan doonaan dhamaan gobolada ay tagayaan oo dhan qeybaha kala duwan ee Bulshada Gabooye si ay ugu xal helaan dhibaatada ka haysata ka qeybgalka siyaasada mudadaas 22 sano ah ee Somaliland Jirto

Gudoomiyaha Salaadiinta Suldaan Daakir Xassan Khaliif ayaa sheegay iney tahay Wakhtigii ay munaasibka ku aheyd in Danta Beesha Gabooye xooga la saaro, waxaanu Suldaanku sheegay iney tahay markii ugu horeysay ee Salaadiin miisankan leh u baxdo danta Bulshada Gabooye ee wadanka

Suldaanka ayaa waxaa uu sheegay inaanu aheyn Safarkoodani mid waxyeelaya jiritaanka iyo qaranimada Somaliland balse uu yahay mid ay Somaliland sumcad weyn ku heli karayso. waxaanu Suldaanku sidoo kale sheegay iney Xukumaddu og tahay Safarkoodan

Afhayeenka Salaadiinta Suldaan Abu Sufyaan ayaa isna dhinaciisa sheegay iney Talaabadani tahay mid guul weyn u ah Bulshada Gabooye waxaanu yidhi: Mar haddii aanu ku soo bixi kari weynay Tartankii waxaa nala gudboon yar iyo weyn inaanu xooga saarno Kootadii Madaxweynuhu ku baaqay ee Kuraasta mucayimka ah lagu siinayey Bulshada Gabooye waayo waa fursad si sahlan noogu saami karta inaanu ka dhex muuqano mashraxa siyaasada Somaliland waxaanan u mahadcelinayaa Madaxweynaha oo ku baaqay kootada, Markaanu safaradayadan gobolada wadanka oo dhan aanu ku mareyno soo dhameysanan waxaanu Insha Allah qabaneynaa Shirweyne ay Beesha Gabooye aayaheeda kaga tashatto ayuu yidhi Suldaanku.

Talaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee Salaadiinta Beelaha Gabooye Sameeyaan.

Salaadiintan ayaa kala ah:

1: Suldaan Daakir Xassan Khaliif Gudoomiyaha Salaadiinta Gabooye

2: Boqor Ahmed Ugas Iman Boqorka guud ee Beelaha Gabooye

3: Suldaan Eid C/lahi Xirsi Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye

4: Suldaan Nadiif Seydh Jibriil Suldaanka Golada Beri ee Beelaha Gabooye

5: Suldaan Max,ed Muse Nur Suldaan Abu-Sufyaan Afhayeenka Salaadiinta Gabooye

6: Lataliyaha Madaxweynaha Barkhad Jama Hirsi

waxaana ku wehelinaya Cuqaal, Aqoonyahan iyo Dhalinyaro ka tirsan Beelaha Gabooye