Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa oo sheegay Walaaltinimada Somaliland iyo Itoobiya tahay mid Caalamku ogyahay

0
108

nnn“Haddii dhibi soo gaadho Somaliland, Itoobiyana way sosos gaadhaysaa” Berha

Hargeysa(Waaheen) General Berha Tasfaye oo ah Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa mar uu xalay ka hadlayay xafladii ay Dawladiisu uigu dabaal dagaysay 22 guuradii ka soo wareegtay markii ay Jabhada EPRFD ka xoraysay Dalka Itoobiya Dawladdii Dergiga ee Mingiste waxa uu ku celiyay in xidhiidhka walaaltinimo ee Somaliland iyo Itoobiya yahay mid Caalamka oo dhami ogyhayay cid waxyeeli kartaana aanay jirin.

“xidhiidhka walaalnimo ee Somaliland iyo Itoobiya waxa uu noqon doonaa mid waara. haddii aynu ka eegno dhinaca dublamaasiyadda xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhaxeeyaa maaha Dublamaasiyadii ku salaysnayd beenta, labada dal xidhiidhka ka dhaxeeyaa waa mid xaqiiqo ku salaysan, labada shacabna way ogyihii” ayuu yidhi Safiirka Itoobiya.

Safiirku waxa kale oo uu sheegay “xidhiidhka nabadgelyo ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland adduunweynaha kama qarsoona, taasina waxay ka turjumaysaa haddii Somaliland dhibi soo gaadho Itoobiya ayay soo gaadhay” ayuu raaciyay

Hadalka Safiirku waxa uu xoojinayaa hadal uu dhawaan raysal wasaaraha Dalka Itoobiya ka jeediyay Golaha Baarlamaanka hortiisa kaasoo uu ku sheegay Itoobiya in ay difaacayso Somaliland wax kasta oo ka hor yimaada oo dhibaato u keeni kara.

Dhawaaqyada is daba jooga ah ee Itoobiya ka soo baxaya ayaa dhirbaaxo dublamaasiyadeed ku noqday Dawladda Somaliya, taasoo qoraalo ay kaga ashkatoonmayso hadalada ka soo baxay u gudbisay.