Mujaahid Siilaanyo ma ka faa’iidaysan doonaa

0
111

siilaanyowaayo aragnimada hogaamineed EPRDF 22 sano kadib? “Shacbiweynaha Reer Itoobiya waxay ku naloonayaan Horumar, Cadaalad, Sinaan” Berha Tasfaye

Qaranka Itoobiya ee ay hogaanka u hayaan madaxda jabhadii EPRDF ee la dagaalamaysay Taliskii Dhergiga ee Haile Mariam ayaa gaadhay guulo waaweyn oo dhinaca Amaanka iyo Horumarka ah sida uu habeen hore ka sheegay xaflad lagu xusayay labaatanka Gibot oo ah 22 guuradii ay talada Dalka qabsadeen taasoo Hargeysa lagu xusay.

EPRDF madaxdeeda ugu saraysa wakhtigii ay la dagaalamayeenm Mingiste waxa ay marti u ahaayeen kalidii Taliyihii Somaliya haligay ee Siyaad Barre, oo ay dhinaca Itoobiya kala soo dagaalamyeen Jabhadii dhaq dhaqaaqa Xoraynta Somaliyeed ee SNM oo taas bedelkeeda marti u ahayd hogaamiyihii Dawladdii Dhergiga ee ay EPRDF la dagaalamaysay.

Waxay ahayd taariikh is qortay in labada Dawladood ay la dagaalamayeen laba jabhadood oo ka soo horjeeday oo ay midiba Jabhad caawinaysay, labada Dawladood xifaaltan ka dhaxeeyay ayaa ku khasbayay inay kala taageeraan, laakiin labada Jabhadood waxay u ahayd badhaadhe inay kala haystaan taageerada labada Xukuumadood, waxaana ka dhaxeeyay Hal ujeedo oo ay lahaayeen oo ahayd in ay labada maamul tuuraan.

1991-kii bishii May 18-28-kii ay labadii jabhadoodba ayaankooda ku guulaysteen in ay ka xoreeyaan maamuladii kala taageerayay, waxaanay bisha May ugu suntan tahay labadoodaba maalmaha qaaliga ah ee ka kasbaday inay xusaan oo ay mahadiyaan laakiin labada Jabhadood waxay ku kala tageen ajandayaashii uu qorshaysnaa ee ay ku hawlgaleen.

EPRDF taladii Dalka gacanta ayay ku dhigeen 22 sano kadib wali iyaga ayaa talada haya, mana muuqato Koox kale oo ku qurdiyaysa Caynaanka Dalka, halka SNM ay ku wareejisay shacbiweynihii ay Xoraysay, taladii dalkuna dhex qaaday cid kasta oo Nasteex iyo cadaw ba u ahayd.

 

“22 sano ka hor waxa itoobiya ka jiray talis milatari ahaa oo macangag ahaa oo umadda dhibaato badan ku hayay, waxa la xusi karaa waa cududii midaysnayd ee lagaga tuuray taladi.

Waxa u dhintay boqolaal qof oo dhiigoodii u daadiyay, waxa kale oo aan ka madhnayn horumarka iyo nabadgelyada ay shacbigayagu ku faanayaan, anagoo tixraacayna 22 sano ee aanu soo dhaafnay, waxa daliil u ah talaabooyinka uu dalkayagu ku talaabsaday nooc kasta haloo cadaadiyee sinaanta ay ku nool yihiin.

Waxa marna aan la dhaafi karayn oo dalkayagu manta ku naaloonayaa in ay si siman uga faa’iidaysanayaan guusha ay haystaan, waxa kaloo taariikh la xuso mudan in shacbigayagu cida uu doono dooran karo, oo ay is maamuli karaan iyadoo Federal jiro, hadana ay ka go’I karaan oo maul samaysan karaan.

Guud ahaan shacabka dalakayagu waxay u siman yihiin Dastuur, waxaan taas uga jeedaa waxa dalkayaga ka jira Sinaan iyo Cadaalad. 22 ka sano marka laga reebo dagaalkii Itoobiya iyo Eratariya waxa dalka ka jira nabad buuxda, waxaanu dalkayagu ku hawlan yahay in uu ka qayb qaato dajinta khilaafaadka iyo colaadaha qaarada ka taagan. 22 sano waxyaabaha dlakayaga horumarka u sahlay waa nabada ka jirta.

Waxa xaqiiqo ah dadka Itoobiya ku nool 80% in ay ku nool yihiin miyiga waxaana u suurtogaliyay horumarkaas waa nabada ay ku nool yihiin. Waxa dalkayaga laga hirgaliyay jaan-gooyo shan sano ah oo horumar lagu gaadhi doono oo lagaga maarmi doono baahidii dibeda, toban milyan oo shacabkayaga ah ayaa durba ka faa’iiday.

Waxa kale oo farqigii ka baxay malaayiin beeralay ah, waxa kale oo loo bandhigay in ay ka qayb qaataan warshadaynta, tobanaan warshadood oo shaqo abuur sameeyay ayaa ah waxyaabaha 22 kaas sano hirgalay. Hal milyan in ka badan oo shaqo abuur ah ayaanua samaynay, waxaana la filayaa sadex sano kadib Itoobiya in ay noqoto dalka sadexaad ee xaga dhaqaalaha.” Ayuu yidhi

Isagoo intaas raaciyay in ay wax ka qabteen adeegyadda kala duwan ee Caafimaadka, Waxbarashada, Isgaadhsiinta, Wadooyinka , Biyaha, Dabka iyo Tareenka, waxaanu sheegay dhamaan mashaariicdaasi in ay gayiga Itoobiya dhaxal siiyeen Horumar.

Sidaas waxa si kalsooni leh Madaxda Xukuumadda Somaliland iyo kuwa Itoobiyaba Huteelka Maansoor uga jeediyay Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland General Berha Tasfaye, runtii waxay ahayd qudbad qiiro, niyad dhis iyo faanba lahayd, taasoo u baahan in madaxdii Reer Somaliland ooh or fadhiday wax ku qaadato.

Taladii ay SNM shacbiga ku wareejisay laguma hoogin ee waa lagu badhaadhay laakiin waxa jira qawadsanaan ka muuqata hankii laga filayay iyo himiladii hogaamineed ee hogaanka SNM iyo madaxdii ka danbaysay ee talada soo qabatay. 22 sano kadib inkasta oo si dimuquraadi ah u soo doorteen dadweynaha reer Somaliland waxay talada dib ugu soo celiyeen Mujaahid Axmed Siilaanyo oo hogaanka Halganka muddo badan hayay balse muddo badan u daba fadhiyay madax kale oo ay dadweynuhu doorteen.

Hadaba Somaliland oo Dal iyo Dad ahaanba ka yar Itoobiya waxa hortaala caqabado badan oo ay ugu horayso in aanay helin Aqoonsi caalami ah oo u suurtogelin kari lahaa waxyaabo badan oo suurtogeliyay Faanka Itoobiya, hase yeeshee waxyaabaha kale ee ah in Mujaahid Siilaanyo ka barto waxa ka mid ah midaynta Beelaha Somaliland oo xiligan doco docayn dibadeed ku socoto, khilaafaad siyaasadeed oo u dhaxeeya beelaha iyo siyaasiyiinta dhexdooda.

Sidoo kale arrinta ugu weyni waa dhinaca Horumarka iyo Maamul wanaaga inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu talada hayay ku cel celiyay in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha, Garsoorka iyo adeegyada bulshada hadana waxa muuqata hawlahaas in aanay wax ba ka fulin inaga oo aan bar bar dhigayn Itoobiya hadana dhaliilaha ka soo baxayaa waa kuwa sababaya in xoogii dalku ka tahriibaan Dalka.

Si kasta ha u dhacdo arrintaasi waxa ay dadweynuhu Tahriibkaas ku fasiraan rajo yaraanta laga qabo hogaaminta siyaasadeed iyo qorshayaasha dalka lagu maamulayo, waxaanay taasi soo celinaysaa haddii aanu Madaxweyne Siilaanyo ka gil-gilan in ay mar labaad SNM u soo hoyato magac xumo ah in ay dalka hogaamin kari weyday dibna aan saaxada loogu arag.