Ganacsatada Afrika oo Dawladahooda ka codsaday in la isku Furro Qaarada

0
108

africaKiiniya(Waaheen) Ganacsatada waaweyn ee Afrika oo shir dibu dhiska iyo Maal-gashiga Somaliya lagaga tashanyo ku leh Dalka Kiiniya ayaa Madaxd Dawladaha Afrika ugu baaqay in laga qaado Ganacsiga Qaarada xanibaadaha hor taagan oo ay ka mid yihiin Fiisyaaasha iyo deganaanshaha Dalalka ay ka ganacsanayaan.

In ka badan Konton Shirkadood oo ka soo qayb galay Shirkaasi ayaa Caalamka ugu baaqay Somaliya in ay leedahay Fursado badan oo lagaga faa’iidaysan karo Khayraadka Ceegaaga, waxaanay ku dhiirigeliyeen in laga faa’iidaysto.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Rugaha Ganacsiga Dalalka Somaliya iyo Kiiniya waxa ka qayb galay Ganacsato magac ku leh Afrika, kuwaas oo soo bandhigay fursado Ganacsi oo ay sheegeen in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto si ay Maal-gashi ugu noqoto Dadweynaha Somaliya oo u baahan gacan qabasho.

Baaqa Ganacsatada Afrika ee ka soo qayb gashay shirkaasi ayaa taageeray go’aamadda Ururka Midawga Afrika ee ah in Ganacsiga Afrika kor loo qaado isla markaana la fududeeyo isku socoda Ganacsatada Maal-gashiga samaynaysa, iyagoo dalbaday  in gabi ahaanba la joojiyo Fiisayaasha dalalka lagu galo, oo ay helaan deganaansho suurtogalin kara Horumar in Qaaradu gaadho.

Dalalka IGAD ayaa hore heshiis ugu galay in Muwaadiniintoodu Fiise la’aan ku galaan Dalalkooda, waxaanay taasi dhiirigalisay in muwaadiniintoodu caqabad la’aan uga gudbaan xuduudaha, iyaga oo aan wax Fiise ah looga baahnayn.