Feysal UCID maxaa loo maagayay haddii Wasiiraddu Somaliweyn doonayaan?

0
205

feysalWasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa si lama filaan ah uga soo dhex muuqday isagoo qayb ka ah shir Somaliya maal-gashi iyo dhaqaale loogu samaynayo, halka shacabka Somaliland iyo Dawladooduba hore u qaadaceen shirkii Ingiriiska ee dhaqaalaha loogu ururinayay.

Talaabada Wasiirku ku dhaqaaqay ilaa hada Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu bulshada umay soo bandhigin faa’iidada Somaliland ugu jirta, marka laga reebo qorshaha shirka oo u yaala in afar Maamul goboleed oo ay Somaliland ka mid tahay shirkaas wada fadhiyaan.

Somaliland, Puntland, Koonfurta Somaliya iyo Jubbaland waa afarta qolo ee shirkaasi kulmiyay waa ayaan daro inteeda leeg in Xukuumaddii Somaliland maanta dhex fadhiisato shir dhaqaale loogu ururinayo Somaliya oo ay somalilandna ka mid tahay Maamul goboleedyda halka Ingiriis iyo Maraykan oo saamaynta Dublamaasiyadeed ee ay caalamka ku leeyihiin inagoo og aynu Goob jooganimi ka diidnay shirkii Ingiriiska.

Waxa Hubaal ah in Somaliland siyaasadeeda dibadu sabaynayso tusaale ahaan socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibedu ku tagay Kiiniya waxa uu war-fidiyeenada ugu sheegay Madaarka Berbera in ay la xidhiidhi ashkato uu Qaramada Midoobay xafiiskooda Kiiniya ula tagayo, taasoo uu ku macneeyay dibin daabyo ay Hay’adahooda Hargeysa joogaa soo gaadhsiiyeen markii Somaliland hakisay Duulimaadyadoodii.

Dr maxamed abdilahiMarka uu Wasiir Maxamed C/laahi saamaynta ay arrintaasi inagu yeelatay sidaaas u qirayo tallow goormuu qiran ta Maraykan iyo Ingiriis inagu wadaan Diidmadii aynu diidnay qorshayaashoodii, maxayse adkaysi ah ee ay meel ka dhigteen ilayn wax kasta waa la filan karaa haddii af xumaado’e.

Ma dhabayse noqotay arrintii uu ku af-gobaadsaday ee Qaramada Midoobay? May sida Dayaxa ayay u soo baxday hagardaamada siyaasadeed ee u dadbanayd Wasiir Maxamed C/laahi waxaanu Somaliland mar kale u loogay wixii ay ka ordaysay oo ah in ay Somaliweyn dhex fadhiisato.

Maxay Xukuumaddu u maagaysay Salaantii Feysal ee Xasan Sheekh Maxamud? Waa su’aal u taala Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa. Maaha Xukuumaddu marka ay dar-jiidhaysana in ay is dhagoolayso, marka ay bildhaan ka aragto dadka ay talada wada leeyihiin oo ay wax ka qaloocdeena Durbaano madhan u tunto oo ay soo saarto dabaro aan jirin oo ay iyaba hore isaga fur furtay.

Taas waxa ka daran Wakiilka Somaliland ee Kiiniya dhawaaqii uu Somaliland kagala mid dhigay shirkadaha Ganacsiga ee qaadhaanka iyo Maal-gashiga Dawladda Somaliya weydiisanaysay ee ay codsatay in ay u soo fadhiistaan. haddiiba Somaliland sidaas u fududahay maxaynu la wareeraynaa 22 ka sano maynu Somali dhinaca ka raacno.

Waxa su’aal madaxa ka weyn ah waxa ay Somaliland u hareer marayso Itoobiya ee Kiiniya uga baxay. Waayo siyaasadu saaxiibay leedahay ee xisaab la’aan ma socoto. Dhawaaqyada ka soo baxaya Itoobiya waa kuwo Somaliland u jeexaya wado cad oo ay wakhtigan dagaalada Dublamaasiyadeed ku socdaan ku gabraaran karto, laakiin ma u muuqato Maxamed C/laahi iyo saaxiibadii.

Jawaabtu’se waxay tahay haddii loom eel dayi waayo dariiqa la hayo in Somaliland meeqaam Liita ku yeelan doonto siyaasadda Mandaqada oo xulafaysi xoogani wakhtigan ka aloosan yahay taasoo loo baahan yahay in dal uun lagaga tiirsanaado.

Dr maxamed abdilahi1

Waaheen