Xukuumadda Oo Xabsiga Borama Ka Sii Daysay Odayashii U Xidhnaa Shaqaaqadii Deeganka Xariirad

0
132

“Wasiir Duur oo Odayaasha faray in ay keenaan Gacan ku dhiiglihii”

duurBorama(Waaheen)Waxaa shalay laga sii daayay xabsiga dhexe ee Magaalada Boorama odayaashii u xidhnaa shaqaaqadii deegaanka Xariirad oo in muda ah ku jiray xabsiga dhexe ee Borama, waxaana ay odayaashaasi markii laga soo daayay xabsiga dhexe kulan La yeesheen wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa magalada borama,oo u tagay xalinta arrintan oo mudo cakirnayd,
Hadaba waxaa goobta kulankani ka dhacaayay ka hadlay ugu horayn Maayarka Boorama iyo ku simaha Badhasabka gobalka Awdal waxaanay sheegeen in ay odayaashani yihiin odayaashii beesha Ciise ee ku xidhnaa xabsiga oo ay sidoo kale sheegeen in aanay jirin wax dhiba oo ku haysatay xabsiga.
Wasiir Duur oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Sidii ay u dhacday siidaynta odayaashani, waxaanu sheegay “maanta(shalay) sii dayntiinu kuma aanay imaanin si sahlan ee waxaa noo fududeeyay Beesha ninka laga dilay oo iyagu naga ogolaaday waayo hadii aanay iyagu wax nala ogolaan waxba nooma aanay suura galeen, waxanan khaladka lahaa waxaa ay ahaayeen beeshiina dilka geysatay oo iyagu aanan sidii ay dilka u geysteen aanay uga hawlgalin nabada waxaanan”.
Mar kale waxaa uu wasiir Duur sheegay in uu socdaal ku tagay deegaaanka Xariirad oo uu la soo kulmay odayaashii dhaqanka ee beelaha dilku kala dhexmaray “Anigu shalay waxan socdaal ku tagay deegaanka Xariirad oo aan kulamo gooni gooniya la yeeshay beelaha dhibku kala dhexmaray beesha ninka laga dilay waa ay iga aqbaleen wax kasta waanan ku amaanayaa, beeesha dhibta geysatayna waxaa ay ii sheegeen in aanay arinkii halkiisii ka qaadin waxanay ku sababeeyeen in odayaashii indhaha u ahaa laga xidhay waxaanan maanta idiin sheegayaa maadaama aan idin siidaayay oo aad tihiin ragii indhaha ahaa in aad ka shaqaysaan sidii aad hawshaaasi u soo afjari lahaydeen.”