Xidiga Kubada Koleyga ee Qaarada Asia oo yimid Hargeysa,

0
54

“Wuxuu Dhalinyarada ugu baaqay in ay Tahriibka joojiyaan”
soo-dhawayn-3Hargeysa(Waaheen) Xidiga Kabtanka Xulka Qaranka Dalka Qadar ee Kubada Koleyga Yaasiin Xassan Nuur ahna Xidiga Wadamada Asia ayaa Shallay lagu soo dhaweeyeey Magaaladda Hargeysa, Isagoo ka soo degey Madaarka Berbera, waxaana tuullada Haleeya ee ku taalla Duleedka magaalada hargeysa.

Kabtan Yaasiin Xassan Nuur ayaa ah wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu caan ku yahay kubada Koleyga oo uu u ciyaaro, kabtana u yahay Xulka Dalka Qadar, halka naadiga Al-Riyaan oo ka jirra dalkaasina uu Kabtan u yahay.
Yaasiin ayaa Ka hadlay Tahriibka ay Dhalinayrada Somaliland Miciinka biday waxanu ugu baaqay in ay tahriibka iska daayaan oo dalkooda aaminaan.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Koleyga oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Kabtan Yaasiin oo uu sheegay in uu mar walba la garab taagan yahay Caawimo dhinaca ciyaaraha ah. Waxanu yidhi.“Halkan waxa iskugu yimid Dhalinayaradan Ciyaartoyga ah ee Ciyaara Kubada Koleyga, iyaga oo Doonaya in ay soo dhaweeyaan Ciyaartoyga Yasiin Xassan Nuur oo ku soo guryo noqday Dalkiisa Hooyo ee Somaliland, runtii Yaasiin Waa Kabtanka Xulka Qaranka Qadar iyo Naadiga Al-Riyaan waana Ciyaartoy aanu ku faano, waxanan odhan karaa waa Ciyaatoygii Reer Somaliland ee meel fiican oo ugu sareysa ka gaadhay kubad Koleyga, Yasiin Wax uu Dhawr Jeer oo naga Caawiyey Dhinca Kubada Koleyga isaga oo Deeqo kale Duwan na siiyey, Runtii waa Nin aanan Ilaabi Karin haddii aanu nahay Dhalinayarada Kubada Koleyga Ciyaarta.”Ayuu yidhi.
Kabtan Yaasiin Xassan Nuur oo ugu horeyn ka hadlaya ku soo goryo noqoshada dalkiisa wax uu yidhi.“Halkan waxan uga mahad celinayaa Dhamman Dadka Faraha Badan ee isoo dhaweyey, iyo waliba Guddomiyaha Kubada Baaskidka, runtii waxan ku soo noqday Dalkayga hooyo oo aan muddo ka Maqnaa,marka waan ku farax sanahay in aan dalka imaado.”Ayuu yidhi.

Yaasiin Wax kale oo uu ka Hadlay Tahriibka faraha ka sii baxay ee dhalinayaradii wadankan Somaliland ay Miciinka bideen, waxanu Yidhi “Walaahi Mawduuca Tahriibku waa Mawduuc aan Su’aal laga jawaabi Karin, Runtii Wacyigalin badan ayuu u bahan yahay, Dhalinyaraduna Waa mustaqbalkii wadanka, runtii wadamadaasi ay ku cararayaan Dad badan oo u dhashay oo Bilaa Shaqo ku nool ayaa jirra, runtii wixii aan ka tari karo ama wayigalin ha Ahaato ma wixii kale waan ka qaybqadan sidii tahriibkaasi loo jojin lahaa.”Ayuu yidhi.