Dawladda Hoose oo dhul siisay Barkacayaal

0
100

maxamedHargeysa(Waaheen) Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa C/Casiis Maxamed Xaashi Cagaweyne Ayaa Dhul gaadhaya Ilaa 24 Baloog ku wareejiyay Wasaarada Dibu dejinta Somaliland dhulkaasi Oo loogu tala galay Bara kacayaasha kaamamka xaafada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa.

dhulkaasi Oo loogu tala galay inay hoy Unoqoto in ka badan boqolaal Qoys Oo Dan yara Isla markaan ku Bara kacay gudaha Somaliland  Waxaana La filayaa in Dhawaan la bilaabo dhismahooda iyadoo laga dhisi doono Wajiga Ilaa 800 Oo Guri Oo loogu tala galay Barakacayaasha.

Iyadoo markii hore Dhulkan Uu Maayor Jiciir bixiyay ilaa 12 Baloog Oo kamida Ayaa Maayor Ku Xigeenka Magaalada Hargeysa Mr Cagaweyne Uu ugu kordhiyay Dhulksaasi laban laab isagoo ka dhigay 24 Baloog.

Agaagasimaha Wasaarada Dibu dejinta Ayaa uga mahad naqay dhulkan ay Dawlada Hoose ugu deeqday Barakacayaasha isagoo ka gudoomay Isla markaana Ku tilmaamay talaaboo Horumar Iyo Geesiniimo Leh.

Dhinaca  kale gudoomiyeyaasha Barakacayaasha Ee kaamamka Mxamed Mooge ayaa u mahad celiyay Maayor ku xigeenka caasimda kuwaasoo si diiran usoo dhaweeyay Talaabadani golaha deegaanku ay Hoy Iyo meelo ay dagaan ugu samaynayaan Barakacayaasha sidoo kale waxaa dhulkan la siiyay Barakacayaasha aad ugu riyaaqay Dadka Qaxoontiga ah mudada dheer ay Hoy La’aantu ku haysay duleedka Maxamed Mooge.

Dhinaca kale Maayor ku xigeenka ayaa ku tilmaamay warar sheegaaya inay dhulkan iibsadeen waxaan Sal Iyo raad lahayn markhaatina loo yahay in ay hadda bixinayaan dhulkaasi.