Xulista Xulka Gobolka Tog-dheer oo la isku mari la’yahay Badhasaabka iyo Maayarka oo la Daala-dhacaya iyo Wasiirka Ciyaaraha oo dab ku sii huriyay

0
153

cali-sicii-cityaarahXaalada Burco oo kacsan, Xulka Todheer oo Qarka u saaran inuu ka hadho Tartanka

Hargeysa(Waaheen) Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Tog-dheer ayaa Xaalad kacsanaan ah laga soo sheegay tan iyo markii uu muran Laxad lehi ka dhashay Xulka Kubada Cagta ee gobolka Tog-dheer uga qaybgalaya  Tartanka Ciyaaraha Gobolada ee Dalka ka Qabsoomaya Bishan  Lixaad ee Food inagu soo haysa.

Ilo Xogogaal ah oo aanu ka helayno khilaafkasi ayaa Tilmaamay in uu Cirka uu isku Sii shareeray markii waxba laga qaban waayey Cabashada Ciyaartooyaga ka soo jeeda Deeganka Galbeedka Burco oo ka cabanayey in aan Xulkii Gobolka laga Qaybgalin, kuwaasi oo hore u sheegay in Dhamman Ciyaartooyaga iyo Masuuliyiinta, Xulka Gobolka ay Beel Qudha Isku koobtay, iyaga  oo hore u sheegay in iyaguna ay talaabo Cad ka qaadan doonan haddii aan waxba laga qaban cabashadooda.

Arrintan ayaa wax la sheegay in haatan ay soo Dhex galeen Siyaasiyiin Xukumada Madaxweyne Siillanyo ka soo horjeeda kuwaasi oo uga faa’iideysanay Danahooda Siyaasadeed, doonaya in wajiga hadda ay leedahay ay ka Duwaan oo ay xalada sii murgiyaan, kan dhigaan mid aan Goordhow waxba laga qaban Karin, iyada oo Markii horeba Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ay Magaaladasi ka jireen, ayaa haddan Wax la tilmaamaya in arrintan ay kor u sii qaaday Cirkana ku sii shareertay Arrimihii Iyo tabashooyinkii halkaasi ka jiray.

Ilo wareedyo laga helayo Arrintaasi ayaa sheegaya in  Madaxweynaha Somaliland loo gudbiyey Xalaada ka taagan Gobolkaasi, si uu wax uga qabto Arrimahasi, iyada Guddiyo iyo wasiiro Xukumadiisa ka Tiran ay arrintaasi u gudbiyeen, Madaxweynaha ayaan la Garaneynin  go’aanka uu ka qadan doono Arrimahasi Murugsan ee halkaasi ka jira.Wasiirka Wasarada Dhalinayrada Ciyaaraha ayaa isna la sheegay in uu Xaladaasi Dab ku sii qabanayo, isaga oo ku hanjabay  in uu gobolka Tog-dheer uu ka joojindoono ka qayb galka Ciyaraha Gobolada, haddii Muddo 7 Cisho ah ku soo gudbin Xulka Gobolka, iyada oo mudadii uu qabtay ay Shallay ku ekeyd.

Tan ayaa loo Fasiran karaa in uu wasiirku Tahli kari wayey in uu Khilaafkaasi uu Xaliyo, iyada oo Masuuliyaddi ka Saran tahay Sidii uu u xalin lahaa Khilaaf wal oo ka dhasha Ciyaarah madaama  uu Wasiirka ciyarahu  hore dib u Dhigay Labba Jeer Tartanka Ciyaarha Gobolada.

Badhasaabka iyo Maayirka Burco ayaa la Daala Dhacaya siddii Arrimahaasi Murugsan ee Gobolka ka tagan kana dhashay Soo Xulida Xulka Tartanka uga qaybgalay Gobolka Tog-dheer ay u xalin lahayeen.