Guddidii Heer Qaran ee Xuska 18ka May oo lagu Eedeeyay inay Lunsadeen Qaybo ka Mid ah Kharashaadkii Loogu Tallo-galay Goboladda Barigga

0
136

untitled1Guddi Hoosaadyadii Gobolada Bariga ee Xuskii 18 ka May oo Hargeysa Dacwad u Jooga

Burco(Waaheen) Guddi-hoosaadyadii heer Gobol ee Goboladda Bariga Somaliland ayaa ku eedeeyay Guddidii heer Qaran ee Madaxweynuhu u magacaabay isku duba-ridka iyo kor u qaadida Maalintii Xuska 18 May ee aynu soo dhaafnay.

Guddiyaddi Hoosaadyadii Heer Gobol ee Gobolada Tog-dheer iyo Sanaag ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay u joogay magaalada Hargeysa dacwad ka dhan ah Guddidii Heer Qaran taasoo ay ku eedaynayaan inay wax iska daba marin baahsan ku sammeeyeen kharasaadkii loogu tallo-galay Goboladaasi, iyadoo ay ka cabanayaan in lacagta la soo gaadhsiiyay ay dhannayd min 3,000 $ Dollarka Maraykanka ahayd Goboblkiiba iyagoo sheegay in lacagta loogu tallo-galay ay dhannayd Gobolkiiba 180,000 $ Dollarka Maraykanka ah.

Sida illo-wareedyo arrintani u dhuun daloolaa sheegayaan ayaa waxa badiba dayn ahaan iyo taakulo ahaanba ka daboolay qabsoomida Xuska 18ka may Ganacsatada Goboladaasi oo marka hore qorshaha Xuska qayb ka ahaa balse qaybtii Xukuumada faro-guudkood la soo gaadhsiiyay.

Xubnaha ka tirsan Guddi hoosaadyadii Heer Gobol ee Gobolada Bariga ee Xuska 18ka may ee dacwadda u jooga Hargeysa ayaa la filayaa inay hordhigaan Madaxweynaha Somaliland dacwad la xidhiidha arrintaasi iyo sidii ay Xukuumaddu uga dulqaadi lahayd daymaha ay galeen.